Xuluumada Muuse Biixi Oo Digniin Culus U Dirtay Warbaahinta Kala Duwan Ee Somaliland Iyo Ujeedada Digniintaasi Loo Diray Warbaahinta + Waxayaabaha Looga Digay

0
669

Xuluumada Muuse Biixi Oo Digniin Culus U Dirtay Warbaahinta Kala Duwan Ee Somaliland Iyo Ujeedada Digniintaasi Loo Diray Warbaahinta + Waxayaabaha Looga Digay

Xukuumadda Somaliland ayaa uga digtay warbaahinta in aanay baahinin warar been abuur ah ama wax u dhimaya qaranimada Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), waxaana warxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawlgasha, waxa ay qaarkood caadaysteen inay faafiyaan warar lid ku ah wada-jirka shacbiga iyo jiritaanka Qaranimada JSL, sidoo kalena halis ku ah amniga dalka.

Sida uu dhigayo xeerka saxaafadda Somaliland, Xeer No.27/2004, waxa warbaahinta xaaraan ka ah inay baahiyaan warar ku lug leh arrimaha ciidammada iyo sidoo kale kuwo been abuur ah ama se mala-awaal ah,waxa loo raacayaa arrimahansida uu tilmaamayo qodobka 10naad ee xeerka saxaafadda Somaliland xubintiisa koowaad, labaad iyo qodobka 15naad.

Sidaas darteed, laga bilaabo maanta (shalay) waxa la farayaa in warbaahintu ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah, ku tidhi ku-teenka ah, aflagaadooyinka shaqsiga ah iyo kuwo khaas u ah qofka iyo arrimaha ciidammada.

cid kasta oo ku kacda baahinta war ku liddiya qodobada xeerka saxaafadda Somaliland ku xusan, waxa laga qaadi doonaa talaabo waafaqsan sharciga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here