4 Calaamadood oo Ku Tusinaya Inaad “Guusha” Aad Ugu Dhow Dahay

0
1119

4 Calaamadood oo Ku Tusinaya Inaad “Guusha” Aad Ugu Dhow Dahay

Dadka qaar waxey u arkaan in guul la gaaraa ay tahay arrin dhib badan, wadada guushuna ay tahay mid dheer oo qodxo badan ku daadsan yihiin, hadaba maxey tahay qiyaasta lagu eego inaad wadadii saxda ahayd ee guusha ku socoto iyo in kale?

Dadka qaar waxey u haystaan in guushu ay tahay in la gaaro natijooyin waaweyn, qof fashilmay ma tihid haddii aadan haysan hal-milyan oo dolar ama aadan raaceyn gaari model-kiisu uu aad casri yahay oo aad qaali u ah. guushu qof kaliya kuma koobna, haddii aad shaqeyso oo aad u samirto sidii aad ku gaari lahayd meel sare, bidhaanso 4 calaamadood oo astaan u ah inaad guusha aad ugu dhow dahay.

1- Waxaad xiriir la leedahay Dad kaa guulo badan

Guusha ay saaxiibbadu ku hoorseedi karaan, qofkii ugu horreyay ee arrintaa ka dhawaajiyaa waxa uu ahaa Dr.David C. McClelland oo ka tirsan jaamacadda Harvard, kaas oo noloshiisa inta badna ku qaatay daraasadda habdhaqanka dadka guuleystayaasha ah. Caalimkani waxa uu daahrogay waxa dadka kala sarreysiiyaa inuu yahay dadka ku hareeraysan iyo xiriirka ay la leeyihiin kuwa ka guulaha badan, in saaxiibbo aad ka dhigato dad kaa guulo badan waxey kugu riixdaa inaad dadaal wanaagsan la timaaddo si aad u gaarto guulihii loo baahnaa si aad meel sare u gaarto.

2- Waxaad necebtahay Fashilka

Daraasadaha qaar ee laga sameeyay dad dhanka Sports-ka ku guuleystay sida; Mechael Jordan(Laacib darajo sare ka gaaray kubadda kolayga Mareykanka) iyo kuwo kale, ayaa lagu ogaaday iney guuldarrada aad u necbaayeen si ka daran faraxadooda guusha, hadaba marka aad guuldaradda aad u neceb tahay waa arrin caddeyn u ah inaad ku taagan tahay wadada guusha.

  1. Akhriskaagu Wuu Badan yahay

Buugga caadooyinka taajiriinta (Rich Habits) ee uu qoray Thomas C. Corley, waxa uu sheegayaa in 85% dadka taajiriinta ah iney naftooda waxbaraaan, bishii waxey akhriyaan 2 ilaa 3 kitaab, in u dhaxeysa 24 ilaa 36 buug sanadkii. Sababaha ugu badan ee ku kallifta iney wax akhriyaan waa iney aqoon kororsi sameeyaan, buugaata xasuus qorka iyo kuwa horumarinta ayayna si gaar ah u beegsadaan.

Akhrisku waa wadada ugu wanaagsan ee aqoonta lagu kordhiyo dunidana loogula jaanqaado, hadba meesha ay mareyso.

  1. Horey ayaad u soo fashilantay

Fashilkaagii hore waa wadada kugu riixa inaad guulo gaarto, gaar ahaan waa marka aad wax ka kororsato oo aad sidii loo baahnaa uga gudubto, waxaad ka helaysaa adkeysi, khibrad, wadadii aad horey ugu fashilantay dib uguma laabaneysid.

Marka ugu horreysa ee ilmaha yari uu socod baradka yahay aadbuu u kufkufaa, marka dambe socodkaa u adkaada oo inuu dhaco wey yaraataa, sidaas oo kale fashilku waxa uu kaalin muhiimka ah ka qaataa guulahaaga dambe.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here