DEG DEG : Guddoomiyihii Baarlamaanka oo Hada xilka laga qaaday+SABABTA

0
791

DEG DEG : Guddoomiyihii Baarlamaanka oo Hada xilka laga qaaday+SABABTA

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka ay xilka kaga qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Kulankan ayaa waxaa soo xaadirtay illaa 147 Xildhibaan, waxaana xilka ka qaaday Guddoomiye Cali Gacal Casir illaa 146 Mudane, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa warbahinta u sheegay in 146 Xildhibaan ay isku raaceen xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maalintii labaad ku soo gabagabeeyay mooshinka kalsoonida kala noqoshada ay ka keeneen Guddoomiye Cali Gacal, iyadoo maalintii shalay bilaabatay dooda mooshinka.

Xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal ayaa sii xoojineysa khilaafka ka dhex qarxay Maamulka Galmudug oo markii horeba la daala dhacayay khilaafaad soo laab-laabtay.

Inta badan Xildhibaanada xilka ka qaaday Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa ah kuwii ka yimid Maamulka Ahlusuna ee lagu daray Baarlamaankii Galmudug ee lagu dhisay Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here