Alshabaab oo Dhoolutus ku sameeyay degmada Jilib iyagoo xiran Tuutaha Milatariga

0
794

Alshabaab oo Dhoolutus ku sameeyay degmada Jilib iyagoo xiran Tuutaha Milatariga

Baraha bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay sawirro la sheegay in laga soo qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ciiddii shalay ku soo bandhigay magaalooyinka Jilib iyo Saakoow askartooda oo ku labisan tuutaha milateriga Soomaaliya, iyo gawaari dagaal oo leh astaanta ciidanka milateriga dowladda federaalka.

Tuutayaasha sawirka ka muuqday waxay ahaayeen dareeskii milateriga ee ay dawladdu siisay guutada 14ka Oktoobar oo ah guuto la sameeyey wixii ka dambeeyey qaraxii Soobbe ee sannadkii hore, oo ay ku dhinteen dad ka badan 500 oo qof.

Waxay kaloo Al Shabaab soo bandhigeen gaadiid leh astaamaha gawaarida milateriga ee dawladda Soomaaliya.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa milaterigii hore ee Soomaaliya wuxuu rumaysan yahay in agabka milateriga sida dareeska iyo hubka ay Al Shabaab laba siyaabood ku helaan.

1- Iyadoo aan ciidamada dawladda Soomaaliya la siinin mushaar joogto ah, ayna leeyihiin carruur iyo xaasas, sidaa darteedna ay duruufta nolosha ee ku xeeran ku khasbayso inuu askarigu reerkiisa u helo nolol, oo uu suuqa geeyo wixii uu hayo.

2- In Shabaab ay ka furtaan darees iyo hub ciidanka dawladda.

Isagoo arrintaas sii adkaynaya ayuu yiri “ka furashadu laba iyo seddex kaliya ma ah ee guutooyin dhan ayey wax ka qaadanayaan. Marka la tababarayo waxaa la yiraahdaa ‘ dharkiinii iyo kabihiinii iyo qalabkiinii cadawga ayaa haysta ee ka doonta’ waana ka doonteen, waana helaan oo waa kuwaas aad sheegayso”.

Isagoo ka hadlayey waajibka ka saaran dawladda ilaalinta qalabka ciidanka ayuu Jeneraal Galaal sheegay in dawladdu “aysan hagar ku jirin”, hase yeeshee wuxuu qabaa in “madaxda rayidka ah aysan lahayn aragti milateri, dadka ay u yeertaanna wax dhaaxaa ma dhaamaan, ceeb ayeyna u arkaan in wixii aysan aqoon ay dadka weydiiyaan” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Arrintan ayaa timid ayadoo madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la ciidayey ciidanka milateriga uu ka codsaday in aysan “dareeskooda suuqa ku iibin”.

Dhowr goor oo hore oo weerarro is qarxin ah iyo kuwo toogasho ah ay ka dheceen goobo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayey in ay ka dambeeyeen dabley ku labbisan dareeska milateriga Soomaaliya, waxaana la is weydiinayey oo jawaab loo la’aa sida, dableydaas oo aan ka tirsanayn milateriga, ay ku helaan dareeska ciidanka.

Xigasho;BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here