DEG DEG : Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo Madaxweyne cusub doortay

0
812

DEG DEG : Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo Madaxweyne cusub doortay

Guddiga fulinta ee Xisbiga Shacabka Dimuqraadiga Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa goordhow waxa ay ku dhowaaqeen in Madaxweyne Cusub u doorteen Mustafa Muxumad Cumar Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guddiga ayaa markale waxa ay doorteen Madaxweyne cusub iyadoo hore madaxweyne ugu doortay Axmed Cabdi Maxamed kadib markii xilka laga qaaday Cabdi Maxamed Cumar oo sanooyinkii la soo dhaafay ahaa Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta loogaga qaaday xilka Cabi Maxamed Cumar oo dhowr toddobaad ahaa Madaxweyne.

Guddiga ayaa Madaxweyne waxa ay u doorteen Mustafe Muxumed Cumar(Mustafe Cagjar) oo ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka,sidoo kalena mar la soo shaqeeyey Hay’adda Qaramada midoobey qeybta OCHA loo yaqaano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here