Dib U Sameynta Singam 3 Oo Dib U Dhac Ku Yimid

0
1029

Dib U Sameynta Singam 3 Oo Dib U Dhac Ku Yimid

Super Star Sunny Deol oo labadii sano ugu danbaysay ku mashquulsanaa sameynta filimka Pal Pal Dil Ke Paas ee wiilkiisa Karan Deol kusoo caan bixinaayo iyo filimka qoyskiisa isla jilaayaan ee Yamla Pagla Deewana Phirse.

Sunny haatan culeeska wuu ka tagay maadaama filimka wiilkiisa lagu soo caan bixinaayo gabo gabo ku dhow sidoo kale YPDP tiyaatarada la saari doono dhamaadka Bishaan.

Sunny oo culeeska ka tagay waxaa la sugaayay inuu duubis ku bilaabo dib u sameynta Singam 3 oo loo bixiyay Arjun Singh laakiin mashruucaan ayaa dib u dhac ku yimid

Maadaama Sunny Deol iyo Director-ka isku fahmi weesan yihiin qaabka sheekada loo dhigaayo.

Soo saarayaasha filimka shirkada Pen meel ayay mashruucaan iska dhigeen ilaa Sunny Deol iyo director-ka filimkaan qaabka loo dhigaayo isku fahmaayaan.

Sunny Deol waxay u badan tahay Kavach Anil Sharma iska leeyahay  ama filim taariikhi ah ee Rajkumar Santoshi iska leeyahay inuu sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here