Wasiirka Warfaafinta Ethiopia oo loodoortay gudoomiyaha Xisbiga D. D.S.I

0
981

Addis-Abab(DN<)Axmed Shidde oo ah Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federal ka ee Ethiopia ayaa loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga taladda haya ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.Shirka lagu doortay waxaa uu ka dhacay Magaaladda Addis Ababa ayaa lagu doortay.Axmad Shide oo ah Wasiirka Isgaarsiinta ee Ethiopia ayaa xilkan ka bedelaya Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi hore u hayey.Magacaabista Axmed Shide ayaa waxa ay soo afjaraysaa saameynta uu ku leeyahay siyaasada dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar oo hore loogaga qaaday xilka Madaxweynaha balse ku adkeysanayay inuu siiahaado hogaamiyaha xisbiga talada haya.Xaalada magaalooyinka waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa degen tan iyo markii xilka laga qaaday madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar waxaana rabshado ka dhacay magaalooyinka Jigjig iyo Diridhabe ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here