Xukuumadda Muuse Biixi Oo U Jawaabtay Xisbiga WADDANI “Somaliland Waa Dal Nabdoon Oo Aan Cidna Waxba Lagu Yeeli Karin, Micheal Walls Looguma Hanjabi Karo” 

0
724

Xukuumadda Muuse Biixi Oo U Jawaabtay Xisbiga WADDANI “Somaliland Waa Dal Nabdoon Oo Aan Cidna Waxba Lagu Yeeli Karin, Micheal Walls Looguma Hanjabi Karo”

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay mowqifka xisbiga WADDANI oo muran ka keenay sharciyada guddida doorashooyinka Somaliland.

Warsaxaafadeed ka  soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo ay faafisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland waa mid ay wada leeyihiin ummadda ku dhaqani, waxaana dhammaantood ku waajib   ah inay wada  ilaaliyaan ku dhaqanka shuruucda   iyo xeerarka dalka, wax kasta oo la isku qabtana loo raaco  wixii sharcigu jideynayo.

Tusaale ahaan, Komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda gacanta ku haya shaqada, waxa markii la sameynayey  lagu dhisay xeer, iyadoo  toddobada xubnood ee uu ka kooban yahay komishanku ay xukuumadda, Baarlamanka iyo axsaabta qaranku mid waliba keenay xubnaha  xeerka doorashooyinku siiyey, kadibna ay sidaa ku qabteen doorashadii madaxtooyada ee 2017kii.

Qabashada doorashada macnaheedu, waa tartan u dhexeeya dhinacyo   kala duwan oo cidi ku guulaysanayso, cidna laga  guulaysanayo, iyadoo  loo marayo dariiqa uu jideynayo xeerka doorashadu, sidaa awgeed waxa cid kasta waajib ku ah inay ixtiraamto natiijada  ay soo saaraan guddida doorashooyinka, haddii kale waxaynu noqonaynaa ummad aan ku dhaqmin oo aan dhawrin  xeerarkii ay    iyagu dhigteen.

Komishanka qaranka ee doorashooyinku wuxuu leeyahay muddo xilliyeed cayiman. Magacaabistooda, ansixintooda iyo waqtiga  beddelkooduba wuxuu ku cad yahay xeerka doorashooyinka.

Sidaas darteed, suurtagal maaha in  iyagoo aan  dhammeysan  muddadoodii la beddelo, iyadoo la dhawrayo nidaamka sharci ee lagu dhisay oo ay tahay dhammaanteen in aynaan ku xadgudbin, murana ka keenin doorashooyinka kadib, innagoo u aaneyna guuldarro.

Haddaba, arrinta la-yaabka lihi waxay tahay,   in xisbiga WADDANI   uu hore u aqbalay  natiijadii doorashada, haddana  mar kale madmadow geliyey  in laga guulaystay, balse  haddana  uu yidhaahdo   “Madaxweyne” markaa goormay  sax yihiin? Sidayse dunidu inoo arkaysaa marka aynu iska indho tirno ku dhaqanka shuruucda aynu wada dhiganay,iyadoo aynu nahay dal weli dunida ka doonaya ictiraaf?

 

Wakhtigii doorashada madaxtooyada waxaynu oggolaanay in goobjoogeyaal caalami ahi ka soo qaybgalaan doorashadaas, si ay markhaati uga noqdaan  sidii ay u dhacday , waxase ayaan darro ah in  Dr. Micheal Walls oo ka mid ahaa lixdankii goobjooge ee ka kala socday 27ka waddan, in markii uu dalka dib ugu soo laabtay dabayaaqadii bishii hore ee July loogu hanjabay in haddii uu dalka dib  ugu soo laabto  uu wixii gaadha isagu masuul ka noqon doono,taasina waa ayaan darro kale oo dibindaabyo iyo dabinba ku ah danaha  dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka.

Waxaan u sheegaynaa cid kasta  in  dalka JSL uu yahay dal nabdoon oo aan cidna waxba lagu  yeeli karin, looguna hanjabi karin, Dr. Micheal Walls iyo cid kasta oo dalka  dano u leh  way iman karaan,  kuna  soo laaban karaan xilliga ay doonaan,iyadoo xukuumadda Somaliland horeba u damaanad qaaday ammaanka muwaadiniinta iyo dadka ajaanibka ah ee martida u ah, waxaanan kula talinaynaa dadka  sawirka taban ka bixinaya dawladnimada iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland inay dhawraan sharafta iyo karaamada dadka iyo dalkaba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here