Cashada oo La Cuno Xilli Hore Habeenkii oo Looga Dhowrsado 2 Cudur oo Halis Ah

0
910
Woman taking some of her boyfriend's salad on lunch at a restaurant.

Cashada oo La Cuno Xilli Hore Habeenkii oo Looga Dhowrsado 2 Cudur oo Halis Ah

Daraasad Spain laga sameeyay oo cusub ayaa sheegtay in dadka casheeya Sagaalka habeennimo ka hor ay ka dhowrsadaan cudurrada khatarta ah ee kala ah kansarka naasaha iyo kan prostate-ha ku dhaca.

Daraasaddan oo lagu soo bandhigay “International Journal of Cancer” ayaa waxaa sameeyay cilmi-baarayaal ka tirsan mac’hadka Barcelona ee caafimaadka guud.

Hadaba, si loo ogaado xiriirka ka dhaxeeya xilliga cashada iyo khatarta kansarka, cilmi-baarayaashu waxey xogo ka uruuriyeen 621 bukaan oo qaba kansarka prostate-ka oo rag ah iyo 12-kun oo haween ah oo qaba kansarka naasaha.

Waxaa la isbarbardhigay caadooyinka cunto ee dadkaasi ay leeyihiin, waxaana la barbardhigay dad caafimaad qaba oo ka tirsan labada jinsi ee labka iyo dhadigga.

Cilmi-baarayaashu waxey heleen in la casheeyo xilli hore habeenkii ay hoos u dhigto khatarta ah inuu qofka ku dhaco kansarka naasaha iyo kan prostate-ka loo yaqaanno.

Dr. Manolis Kogevinas oo hoggaaminayay cilmi-baaristan ayaa yiri: “Natiijada aan helnnay waxey adkeynaysaa muhiimadda ay leedahay habdhaca saacadda biology-ga ee jirka aadanaha uu ku shaqeeyo, waxaa kale oo aan ogaannay xiriirka ka dhaxeeya xilliga cunnada iyo khatarta kansarka, waxaa loo baahan yahay in dib loo eego habka wax cunisteenna si aan uga dhowrsanno kansarka, ha eegina oo qura nooca cunnada aad cuneysaan iyo tiradeeda, waxaad si gaar ah u eegtaan xilliga aad wax cuneysaan.”

Si kastaba, wakaaladda caalamiga ah ee cilmi-baarista kansarka ee hoostagta ururka caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in kansarka naasaha uu yahay nooca kansarka ugu shaacsan dumarka dhexdooda daafaha kala duwan ee dunida, gaar ahaan bariga dhexe, sanad kasta waxaa laga daaweeyaa ku dhawaad 1.4 milyan oo xaalad cusub ah, waxaana sababtiisa u dhinta in ka badan 450-kun oo dumar ah sanadkii.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here