Al-Shabaab oo meydad iyo askar maxaabiis ah ku soo bandhigay Jamaame

0
843

Al-Shabaab oo meydad iyo askar maxaabiis ah ku soo bandhigay Jamaame

Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ku soo bandhigay degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose Meydad iyo askar maxaabiis ah oo ay ku soo qabteen weerarkii Baar Sanguuni.

Wararka ayaa sheegaya in meydadka illaa lix askari lagu soo bandhigay fagaare ku yaalla degmada Jamaame.

Sidoo kale labo askari oo nool ayaa lagu soo bandhigay jamaame, kuwaasoo la sheegay in maxaabiis ahaan lagu soo qabtay dagaalkii Baar Sanguuni.

Weerarkii shalay lagu qaaday saldhigga Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen Baar Sanguuni ayaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyo loo adeegsaday baabuur xamuul ah ayaa lagu weeraray xerada ciidamada, waxaana kaddib dhacay dagaal fool ka fool ahaa oo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay si efandari ah ku galeen xerada.

Afhayeenka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkii shalay lagu qaaday Baar Sanguuni oo saldhig u ahaa ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku dileen illaa 27 askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here