C/raxmaan C/shakuur “Dowladdu waxay siyaasadeysay Arrimihii Xajka oo sanadkan qal-qiil ku jiro”

0
624

C/raxmaan C/shakuur “Dowladdu waxay siyaasadeysay Arrimihii Xajka oo sanadkan qal-qiil ku jiro”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya inay siyaasadeysay arrimaha Xajka oo uu ka taagan yahay is-maandhaaf u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Shirkadaha Duulimaadyada ee heysta Leynka Xajka.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in illaa iyo hada aanu weli qof Soomaali ah dal ku gal ama Viso u soo bixin, taasna ay tahay arrin aad looga xumaado.

“Ma dhicin xilligii dowlad la’aanta in Xajku joogsado, maanta aan idinla hadlayo weli qof Soomaali Viiso xajka uma soo bixin, dowladda Soomaaliyeed ayaa siyaasadeysay, maanta Madaxtooyada ayaa laga kari la’yahay War xajka Fasaxa dadka Soomaaliyeed ha soo gutaan xajka, maxaa noo dhiman haddii xajka uu qalqiil ku jiro”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo la hadlayay taageerayaashiisa munaasabad lagu soo dhoweeynayay magaalada Stockholm.

Muranka ka taagan ka taagan arrimaha Xajka ayaa maalmihii u dambeeyay xoogeysatay, kaddib markii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu xilka ka qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Shirkadaha Duulimaadyada ee horay u heystay duulimaadka Xajka iyo dowladda Soomaaliya ayaa isku maandhaafay qaabka loo maareynayo xajka iyo qiimo dhimis lagu sameeyo, waxaana socday qorshe dhamaan shirkadaha diyaaradaha ay si isku mid ugu qeybsan lahaayeen viisayaasha xajka, halkii labo shirkadood u xayirnaan laheyd, waxaana tallaabadan ka dhashay khilaaf sababay inuu dib u dhaco waqtigii viisaha xajka la soo saari lahaa, isla markaana uu qalqal galo arrimaha xajka ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here