Maxkamada Sare Ee Dalka Ingiriiska Oo BBC-Da Ku Xukuntay 210,000 Oo Gini Oo Ganaaxa

0
709

Maxkamada Sare Ee Dalka Ingiriiska Oo BBC-Da Ku Xukuntay 210,000 Oo Gini Oo Ganaaxa

Sir Cliff Richard ayaa BBC kaga guulaystay dacwad la xiriirta gaar ahaanshihiisa, kiis ku lug leh sida ay BBC u tebisay mar ay boolisku u dheceen gurigiisa.

Xaakimka maxkamadda sare, xaakim Mann, ayaa guddoomiyey in la siiyo lacag hordhac ah, taasoo dhan 210,000 oo Gini oo ah khasaarihii soo gaaray.

Sir Cliff Richard oo ah fanaan caan ka ah Britain, wuxuu sheegay in tebintii BBC ay tebisay markii uu boolisku u dhacay gurigiisa 2014, taasoo qayb ka ahayd eedeymo taariikhi ah oo la xiriira galmo carruureed, ay ahayd “duullaan aad u daran” oo lagu qaaday gaar ahaanshaha. Marnaba dacwad laguma oogin, lamana xirin.

BBC waxay sheegtay in suxufiyiintu ay hawshooda u guteen si niyad wanaag leh, waxayna ka baaraan degaysaa inay racfaan ka qaadato xukunka.

Fran Unsworth oo BBC ka tirsan waxay raalli gelin siisay Sir Cliff Richard

Iyadoo ka hadlaysay dibadda maxkamadda sare ee London, ayaa agaasimaha wararka iyo arrimaha markaas taagan ee BBC, Fran Unsworth, waxay raalli gelin siisay Sir Cliff Richard ayadoo tiri “markii aan u kuurgalnay, waxaa jira waxyaabo aan u samayn karnay siyaabo kale”.

Laakinse waxay sheegtay in kiiskan uu astaan u yahay “isbeddel weyn” oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda iyo “mabda’muhiim ah” oo la xiriira xaqa ay dadweynuhu u leeyihiin inay ogaadaan wixii muhiimad leh.

Xukunka ayuu xaakim Mann ku sheegay in BBC ay si “ba’an” iyo “si dareen niyadeed leh” ugu xad gudubtay xuquuqda gaar ahaanshaha ee Sir Cliff.

Taageerayaasha Sir Cliff oo maxkamadda dibadeeda ku qaadaya heestiisii Congratulations ee uu soo saaray 1968

Wuxuu u xukumay in Sir Cliff Richard la siiyo 190,000 oo Gini oo ah khasaare ah iyo 20,000 oo gini oo ah khasaare gaar ah oo si shakhsi ah u soo gaaray, ka dib markii BBC ay gudbisay tebinteedi kiiska si loogu abaalmariyo.

BBC waxay tahay inay bixiso kharashka 65% oo ka mid ah 190,000 iyo 35% oo ay siinayso booliska South Yorkshire oo iyagu u dhacay guriga.

Booliska South Yorkshire ayaa markii hore ogolaaday inay siinayaan Sir Cliff 400,000 oo Gini, ka dib markii uu dacweeyey booliska.

Taageerayaasha fanaankaas 77 jirka ah ayaa dibadda maxkamadda ku qaaday heestiisa Congratulations ee soo baxday 1968kii, markii xukunka lagu dhawaaqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here