C/weli Gaas “Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxba kama soo baxayo, maxaa la isku wareerinaya”

0
683

C/weli Gaas “Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxba kama soo baxayo, maxaa la isku wareerinaya”

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo wajahayo wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in laga dhigo sidii labo dowladood oo kale.

C/weli Gaas oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Brussels ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wada hadaladaas aanay waxba ka soo bixi karin.

“Arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa aaminsanahay wax la yiraah Soomaaliya iyo Somaliland ma jirto, magaca Somaliland waa dalkii soomaaliya weeye, gobolada waqooyi Soomaaliya ka mid yihiin, marka waxaa moodaa labo dowladood oo siman anaga iyo kenya oo kale, wax laga xishoodo weeye, mideeda kale wada hadaladaas waxba kama soo baxayaan, sababta waa idin sheegayaa nin Soomaali oo Madaxweyne ah ama Ra’iisul Wasaare ah baa wuxuu ku dhacaa in Somaliland taga uu yiraahdo, ma awoodi karaan, Muuse biixi miyaa ku oran kara dadka jooga Hargeysa iyo Burco Soomaaliya ku biirayaa ma oran karo, haddii iyagana aysan oran karin, kuwa xamar joogana aysan oran karin Somaliland ha iska tagto maxaa la isku xiijinayaa oo la isku wareerinayaa”ayuu yiri C/weli Gaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 1-dii bishan July ku dhawaaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabayaan wada hadaladii Somaliland ee hakadka ku yimid.

Hadalka C/weli Gaas ayaa u muuqday mid uu sii fogeynayo hanaanka wada hadalada loo galayo, maadaama Somaliland ku dhawaaqday inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya, isla markaana wada hadaladii u dambeeyay aan gudaha loogu gelin arrimaha Masiiriga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here