Ganacsi lagu bilaabay $500 oo haddaku fadhiya $1 bilyan oo doolar

0
739

Seygeeda shaqo ayuu ku maqnaa, xaamilo ayay ahayd Kendra Scott waxayna garwaaqsatay fikrado ah inay samayso lacagiyadoo dhabo ganacsi u sii marayso.Waxay jiiftay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Austin ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, waxayna la daalacsayay canuga caloosheeda ku jiray, Kendra Scott waxay billaawday inay samayso agabka ay haweenka quruxdu u xirtaan.Sanadkii 2002-dii Scott waxay jirtay 28 sanno,waxayna haystay lacago ay meel dhigatay oo gaarayay 500 oo doolar oo ay ku doonaysay inay ganacsi ku furato si ay dhakhli badan u soo xaabsato.Markii ay dhashay, waxay go’aansatay Kendra Scott inay dibadda u baxdo si ay uga ganacsato agabka ay haweenka quruxda u xirtaan oo uu kamid yahay dhega-dhegaha.Scott waxay tiri “Markii aan billaabay ganacsigayga, waxaan dheemaanka ku ridnayay baakeedo yar yar oo aan la hor istaagayay guri ka guri, maalinkii iigu horreysay waan ka faa’iday”Maanta shirkad ay leedahay Scott ayaa loogumagac daray iyada oo qiimaha dheemaanka lagu qiyaasay in ka badan 1 bilyan oo doolaar,waxaana la sheegay in lacagta ay gooni u leedahay ay gaarayso 500 milyan oo doolar.Scott waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay gobolka Wisconsin, markii ay jirtay 18 sanno waxay ku biirtay jaamacad ku taalla Texas balse sannad kaddib waxay kabaxday jaamacadda si ay u raacdo wiil ay jeclayd, nolasheeda waxay kusoo hartay inayku noolato magaalada Austin ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.Scott waxay samaysatay ganacsi u gaar ah muddo tobban sanna ah, waxayna samaynaysay Koofiyadaha ay xirtaan dadka qaliinka dhanka Kansarka maraya, arritani waxaa ku dhiirageliyay nin hooyadeed ay wada joogeen oo la xanuunsanaa cudurka Kansarka, waxayna ugu deeqday Koofiyadaha qaar.Fikradda ah inay ka ganacsato dheemaanka iyo agabka ay dumarka quruxda u xirtaan ayaa ku dhashay markii ay aragtay baahida ka jirto suuqa oo intooda badan ahaa waxyaabo aan gini goyi karin halka qaar kalena ay haayeen kuwo raqiis ah oo aan tayo lahayn, si arrintaasi ka duwan waxay billaawaday ka ganacsiga dheemaan tayo leh oo qiimiihiisu dhexdhexaad yahay oo dumar kasto qiimo jaban ay ku heli karaan.Kendra Scott waxay billaawday inay shaqaalaysiiso dad badan kuwaaso ka caawiyay in xarunteeda ganacsiga ee Austin inay kobacdo in kasto ay jireen caqabadooyin dhowr ah oo nolosheeda haystay, Waxaa la furay markii ay dhashay canugii labaad.Sannadkii 2010-kii ayay laantii ugu horreysay ee ganacsiga dheemaanka ka hergelisay magaalada Austin halkaaso kayd unoqotay alaabaheeda si jumlo ahaan ay ugu daabusho magaalada inteeda kale.Macaamisha Kendra Scott waxay ugu baaqday inay ka iibsadaan dheemaanka ayna xushaan dooqooda, ganacsatada ayaa ku xoomi jiray Dukaankeeda si ay u gataan dheemaanka Dheg-dhegaha, Faraantriga iyo waxyabaaha kale ay haweenka ay quruxda u xirtaan.Maanta waxay gudaha Mareykanka ku leedahay 80 Bakhaar oo lagu iibiyo dheemaanka nocyadiisa kala duwan, waxaynasidoo kale online-ka ku beecgaysaa wax soo saarkeeda.Waxaa intaasi dheer in dheemaanka ay samayso Scott loo qaado Suuqyada caanka ahSelfridges ee ku yaalla magaalada London.Shirkaddeeda waxaa ka howlgalaa 2,000 qof, oo 96% dadka ka shaqeeyo ay yihiin haween.Karen Giberson oo ah madaxa ganacsiga aaladaha teknooloojiyadda Mareykanka ayaasheegtay in Kendra ay tahay qof ka dhex muuqda xirfadda naqshadaynta.Giberson waxay intaasi ku dartay in sababta ugu wayn ee ka dambaysay guusha Kendra Scott ay tahay in ganacsigeeda uu yahay mid dhab ah oo naqshaddiisu loo bogay islamarkaasna ay tahay haweeney da’ yar oo dadaal dheeraad usoo gashay howshan.Waxyaabaha horumarka u horseeday haweeneydan waxaa kamid ah inay macaamisheeda ay qiimo jaban ku siinayso nooca dheemaanka ay doonayaan.Giberson oo ah madaxa ganacsiga aaladaha teknooloojiyadda ayaa sidoo kale sheegtay inhowlaha deeqda ah ay bixinayso Kendra Scottay soo jiiteen macaamisheeda.Waxayna furtay barnaamij tabbarucaadka qaabilsan oo lagu magacaabo Kendra Cares Program,Sannadkii lasoo dhaafay shirkaddeeda waxay deeq ahaan u bixisay lacago caddaan oo gaaraya 5 milyan oo doolariyo kummanaan dheemaan ah oo ay ugu deeqday carruur iyo haween.Kendra Scott waxay sheegtay in shirkaddeedu ay ka go’antahay sidii ay usii wadi lahayd barnaamijyada gargaarka ah oo ay ku doonayso inay xirfadeeda iyo wax soo saarkeeda ugu deeqdo qoysas badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here