DAAWO : Hooyo Maraykan Ah Oo Caruur U Dhashay Wiil Soomaali Ah Oo La Musaafuriyay Oo Ka Hadashay Dareenkeeda

0
650

DAAWO : Hooyo Maraykan Ah Oo Caruur U Dhashay Wiil Soomaali Ah Oo La Musaafuriyay Oo Ka Hadashay Dareenkeeda

Barnaamika Haweenka iyo qoyska ee toddobaadka waxaan ku soo qaadaneynaa wareysi ku saabsan dareenka hooyo maraykan ah oo carruur u dhashay wiil Soomaaliyeed oo dhowr bilood ka hor laga musaafiryay dalka Maraykanka.

Hooyadan oo magaceeda ku soo koobtay Angela, waa hooyo Aemrican ah oo labo ilmo u dhashay wiil Soomaali ah oo isaga oo sideed jir ah ay waalidkiis keeneen dalka Maraykanka, kana mid ahaa dhallinyaro horraantii sanadkan laga dajiyay garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, ka dib markii lagu eedeeyay inuu dhowr mar dambiyo kala duwan ku galay dalkan.

Waxa ay ka warrameysaa sida ay u aragto in Aabaha carruurteed loo musaafiriyo dal ay adag tahay in dadka shisheeyaha ah ay ku noolaadaan xilligan. Waxa ay sidoo kale ay ka hadleysaa sida uusan marnaba qorsheheeda ugau jirin in ay caruurteeda u geyso Soomaaliya si ay u soo arkaan ama ula noolaadaan, iyo waliba, xaaladda adag ee ay gashay ka dib musaarintiisa maadaama ay la kufaa-kaceyso carruur ay korintoodu kali ku noqotay.

Halkan hoose kaga boggo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here