Somalia oo 28 sano ka dib ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee ITU ee Hey’adaha Isgaarsiinta

0
876

Somalia oo 28 sano ka dib ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee ITU ee Hey’adaha Isgaarsiinta

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay 28 sano ka dib ka qeyb galaysa shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta oo ka dhacaya magaalada Geneva inta u dhexeysa 9ka illaa 12ka bishan.

Shiweynahan ayaa sanadkan waxaa diiradda lagu saari doonaa sida teknoolojiyada ay saameyn ugu yeelatay nolol-maalmeedka iyo sidii loo baahin lahaa sharciyada arrimahaas la xiriira si loola socdo isbeddellada ay la imanayso teknoolojiyada.

Shirweynahan wuxuu isku keenaa hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo halkaas isku weydaarsada aragtidooda iyo waaya-aragnimadooda, waana madal ay ku wada hadlaan qeybaha kala duwan ee isgaarsiinta ee isugu jira dadka dajiya siyaasadda, shirkadaha iyo daneeyeyaasha kale ee isgaarsiinta.

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayna mid yihiin mas’uuliyiinta maamulka iyo Guddiga sare ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa shirkaas ka qeyb galaya, iyagoo maalintii koowaad halkaas kula kulmay mas’uul ka socotay Midowga Isgaarsiinta Caalmaiga ah (ITU), Bankiga Adduunka iyo shirkado iyo dalal kala duwan.

“Munaasabaddan waxay Soomaaliya u tahay mid taariikhi ah, waayo sanad ka hor xilligan oo kale dalkeenu ma lahayn sharci isgaarsiineed, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqda codeynta ee dalka. Nasiib wanaagsan 12kii bilood ee la soo dhaafay waxaan yeelanay sharci, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqdii codeynta oo aan soo ceshanay, waxaana maanta na matalaya wasaarad iyo hay’ad oo kala leh waajibaadyo kala duwan” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in munaasabaddan ay fursad qaali ah u tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la doonayo inay wax badan ka barato waayo-aragnimada hay’adaha dalalka kale, maadaama wixii hadda ka horreeyay Wasaaraddu ay ahayd cidda kaliya ee dalka ku matali jirtay dhammaan shirarka isgaarsiinta adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here