Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Lagaga Dooday Colaadda Ka Taagan Deegaanka Tuke-Raq+Go’aamo Lagasoo Saaray

0
650

Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Lagaga Dooday Colaadda Ka Taagan Deegaanka Tuke-Raq+Go’aamo Lagasoo Saaray

 

 

Kal-fadhigii 15-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland yeeshaan, ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay, xarunta qasriga madaxtooyada qaranka Somaliland.

Shirkan oo maanta ka qabsoomay hoolka shirararka golaha wasiirrada ee xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyada oo uu madaxweyne-ku-xigeenkuna goob-joog ka ahaa, waxana lagaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka qaranka, waxana warbixin dhinaca amniga ah lagaga dhegaystay wasaaradda arrimaha gudaha.

Arrimaha kale ee shirkan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa xaaladda xuduudaha bariga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo duullaanka lala dul-joogo shacabka deegaannadaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya, waxana shirka lagu muujiyey sida ay Somaliland u danaynayso nabadda iyo deris-wanaagga.
Sidoo kale, waxa uu shirku caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay sugidda xuduudaheeda iyo difaaca dhulkeeda, marnabana aanay weerar ku ahayn xuduudo dal kale, isla-markaana ay Somaliland beesha caalamka iyo dalalka deriskaba u xaqiijinayso Muhiiimadda nabadda iyo degenaanshaha.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here