Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminaya oo Muqdisho  dib ugu soo laabtay

0
788

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminaya oo Muqdisho  dib ugu soo laabtay

Wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo sedaxdii maalin ee lasoo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ,waxaana garoonka diyaaradaha ee dalka magaaladda muqdisho kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Cabdi kariin xaaji cabdi buux oo ah xoghhayaha guud ee golaha shacabka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in safarka gudoomiyaha golaha shacabka uu guul ku soo idlaaday.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya iyo wafdi xildhibaano ah oo u hogaaminayo ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka jamhuuriyada jabuuti waxa ay kulamo halkaasi kula soo qaateen madaxda wadankaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti mudane Ismaaciil cumar Geeele iyagoo sidoo kale ka qeyb galay 27-ka june oo ah sanad guuradii 41-aad ee kasoo wareegatay markii ay Dowladda Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystahii Faransiiska.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here