Gabadh Wariye Ah Oo Lagu Dhaawacay Magaalada Muqdisho

0
1572

Gabadh Wariye Ah Oo Lagu Dhaawacay Magaalada Muqdisho

Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu wadada Makka Al-mukarrama gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho uu ku dhaawacay wariye Farxiyo Mire oo ka howlgasha warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Fraxiyo ay dhaawac ka tahay Lugta iyo dhanka caloosha, waxaana dhaawaceeda ka hor la tilmaamay iney murmeen ninkaasi.

Waxaa loola cararay xarun caafimaad, iyadoo dhanka kale la sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen ninkii dhaawacay wariye Farxiyo.

Ma jirto weli faah faahin intaan ka dheer oo laga bixiyey dhaawaca Wariye Farxiyo Mire.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here