Muuse Biixi “Waxaa isu keena qaban la’a Soomaali ha midowdo iyo caalamka inuu ku caawiyo ma ogolin”

0
936

Muuse Biixi “Waxaa isu keena qaban la’a Soomaali ha midowdo iyo caalamka inuu ku caawiyo ma ogolin”

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada inay Somaliland ku hayaan dagaal cunaqabateyn ah.

Isagoo xalay ka hadlayay Hargeysa munaasabadda 26-ka June ee 58-guuradii ka soo wareegatay markii Gobollada Waqooyi Xornimada qaateen iyo Calan Soomaaliyeed markii la taagay ayuu sheegay in aan labo ujeedo isku qaban karin in dagaal lagu soo qaado iyo in la dhaho Soomaali ha midowdo.

“Waxaa nagu socda weerar colaadeed oo aan kala har laheyn, maalin hore Ra’iisul Wasaaraha ayaa waraaq soo saaray oo caalamka ku oranayo Somaliland yaa la caawin, waxaa kaloo soo baxay warqad kale oo ay soo saareen maamul goboleedyada oo ay leeyihiin Somaliland yaa la caawin”ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in aysan isku qaban karin in la dhaho Soomaali ha midowdo iyo Midnimada waa muqadas iyo in la cunaqabateeyo oo kaalmadii Somaliland ay ka helayeen caalamka la dhaho in la hakiyo.

“Waxaan isu kaanya qabaneyn Soomaali ha midowdo, midnimada waa muqadas, Soomaali makala maaranto iyo xabada waa kugu garaacayaa, caalamka hadduu ku caawiyana ma ogolin, labadaas ma isu keena qabato”ayuu yiri Muuse Biixi.

Mar uu ka hadlayay dagaalka Gobolka Sool, gaar ahaan Xiisada Tukaraq ayuu sheegay in mar walba ay Somaliland ku baaqeyso nabad, oo aanay dagaal u baahneyn, isagoo xusay in Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu raadinayo in labo sano loogu daro, isla markaana dagaalka uu sii wado.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan u qortay Beesha Caalamka qoraal ay ku dalbaneyso in la hakiyo nidaamka gaarka ee Beesha caalamka kula macaamisho Somaliland, kaasoo ah mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya in qeyb laga siiyo, kaddib heshiiskii sanadkii 2013 ee New Deal-ka ee Somaliland loogu qoondeeyay in kaalmada caalamka ee Soomaaliya qeybteeda laga siiyo.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here