Guddoomiyaha Imtixaanaadka Somaliland oo Ka Hadlay Goobaha Imtixaanka Lagu Galayo & Deegaannadii Ay Ku Dhufatay Duufaanta Sagar

0
1031

Guddoomiyaha Imtixaanaadka Somaliland oo Ka Hadlay Goobaha Imtixaanka Lagu Galayo & Deegaannadii Ay Ku Dhufatay Duufaanta Sagar

 

Guddoomiyaha Imtixaanka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo maallinimadii shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay goobaha lagu geli doono imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017/2018.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in goob kasta oo horey imtixaanka loogu geli jiray  lagu geli doono oo ay ku jiraan goobihii ku dumay duufaanta sagar oo dib u dayactir lagu sameeyay:

“Halkaa waxaad ku arkaysaan warbixintii duufaanta Sagar, markii ay arrintaasi dhacdayba waxaanuu u xilsaarnnay oo aan diyaarinnay wefdi ka socda xafiiska imtixaanaadka, si aan u soo ogaanno goobihihii imtixaanaadka lagu geli jiray waxa khasaare gaaray, arrintaa waxey ka keeneen waxbixin mug leh, waxaan idinkana idiin sheegayaa ardayda iyo waalidkana ugu bishaareynayaa in goob walba oo imtixaan lagu geli jiray meelaha ay duufaantu haleeshay ee lagu geli jiray imtixaanka, Gob, Sacaadu-diinxariirad, QulujeedBoonBaki, intaba waa lagu galayaa.”

Waxa uu ka hadlay goobihii dhibaatada xooggan ay soo gaartay ee dib u dayactir lagu sameeyay, isagoo ardaydana faray in 30 bishan ay diyaar ku noqdaan goobihii ay imtixaanka ku geli jireen:

“Goobta Gargaaro la yiraahdo ayaa ugu dhib badneyd, halkiina faraha ayaa laga qaaday[waa la dhammeystiray], waxaan jeclahay inaan halkan uga faa’iidayso inaan hawada u mariyo qoladii dhisaysay oo runtii ku dadaashay si ay ardaydu imtixaanka u geli karaan, halka la yiraahdo Lughayana kolkii horeba waxaa u wanaagsanaa fasallo, labo fasal baa ka dunsanaa, inta kale ayaa la iskugu geeyay iyagana waa la dhammeystiray, sidaa darteed arday waliba halkii uu ku geli jiray ayuu ku galayaa, waxaanana rajeynaynaa in arday waliba uu ku diyaar garoobo halkii goobtiisa ahaan jirtay 30 bishan.”

Si kastaba, Duufaanta Sagar oo bishii May ku dhufatay deegaannada xeebaha, ayaa waxaa ku dumay 31-iskuul oo ku yaalla deegaannada Somaliland, iyadoo la sheegayo in ay ahayd markii koowaad ee khasaare intaa le’eg uu soo gaaro goobaha waxbarashada tan iyo 1991-dii.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here