Tahriibayaashii ugu badnaa ee Itoobiyaan ah oo kusoo qulqulaya Boosaaso+SAWIRO

0
1289

Tahriibayaashii ugu badnaa ee Itoobiyaan ah oo kusoo qulqulaya Boosaaso+SAWIRO

 

Waxaa degaannada Puntland ku qulqulaya tahriibayaashii ugu badnaa oo ka imaanaya dhinaca Itoobiya, iyagoo safarkooda ku beegsanaya magaalo xeebeedka.

Safarka muhaajiriinta ayaa ku soo beegmaya xili ay cimilada magaalada Boosaaso aad u kulushahay, safarka badduna uu adag yahay maadaama lagu guda jiro bilihii bad xiranka.

Tiradii ugu badneyd ee tahriibayaasha ayaa waxay lug ku mareen saacadihii ugu dambeeyey waddada laamiga ah ee dhex marta degmada Carmo oo 100-Km u jirta magaalada Boosaaso.

Agaasimaha hay’adda daryeelka muhaajiriinta Puntland Maxamuud Sheekh Ciid ayaa sheegay in muddo Laba bilood ka yar ay Puntland soo gaareen dad ka badan toddoba kun oo qof.

Inkastoo aan la ogeyn sababta kordhisay qulqulka dadkan maadaama ay Itoobiya ka jirto dabeyl siyaasadeed oo isbedelo wadata ayaa waxaa la aaminsan yahay in dadkan ay doonayaan iney doonyo ka raacaan Boosaaso si ay u gaaraan wadamada Khaliijka oo ay quud dareynayaan iney shaqooyin iyo nolol dhaanta tan dalkooda ka helayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here