Bishaaro Usoo Hoyatay Dadka Qaba Cudurka “Macaanka”… Daahrog Muhiim Ah oo Looga Helay Tallaalka Qaaxada

0
776

Bishaaro Usoo Hoyatay Dadka Qaba Cudurka “Macaanka”… Daahrog Muhiim Ah oo Looga Helay Tallaalka Qaaxada

Saynisyahanno Mareykan ah ayaa waxey gaareen in tallaalka Qaaxada ee loo yaqaanno (BCG) uu daawo kama dambeys ah u noqon karo nooca koowaad ee cudurka sonkorowga.

Daraasad cilmiyeed la waday muddo 8 sano ah ayaa lagu ogaaday in tallaalkaa ay suuraggal tahay inuu dib u celin karo nooca koowaad illaa heer aan waqtigeeda weli si rasmi ah loo ogaan.

 

 

 

Cilmi-baarayaasha ayaa waxey heleen in tallaal markaliya uu qofku qaato, 4 isbuuc ka dib la siiyo mid kale oo xoojin ah, ay hoos u dhigeyso heerka sonkorta dhiigga oo ku dhawaaneysa heerka dabiiciga ah muddo 3-sano ah, iyadoo saameynta daawadu ay soconeyso 5 sano ee xigta.

 

 

 

Sonkorowga nooca koowaad ayaa weerara jirka isagoo dhanka beeryaraha ee soo saara maadada Insulin ka soo galaya.

 

 

 

Daraasaddan ayaa waxaa ka qeybgalay 52 qof oo qaba nooca koowaad ee cudurka sonkorowga, waxaa hoos udhacay heerka sonkorta dhiiggooda 10%, kadib markii ay qaateen tallaalka Qaaxada muddo 3 sano ah, heerka sonkorta dhiigga waxa uu hoos u dhacay 18% markii 4sano oo daawo ah ay si xiriir ah u qaateen.

 

 

 

Khubaradu waxey aad u ammaaneen natiijada cilmi-baarista, waxeyna ku tilmaameen mid “Muhiimad gaar ah leh”, waxeyna sheegeen in daawada noocan cusub ay tahay “Horumar weyn” iyo tallaabo fiican oo loo qaaday daaweynta nooca koowaad ee sonkorowga.

 

 

 

Tallaalka Qaaxada ayaa Glucose-ka ka soo nuugaya unugyada arrintaas oo keenaysa in uu hoos u dhaco heerka sonkorta dhiigga.

 

 

 

 

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here