“Soomaaliya Waxa Ay Doonaysaa Inay Cunaqabatayso Somaliland, Annagu Waanu Ka Maarmaynaa Caawimada Caalamka” Wasiir Sacad Oo Luuqad Adag Ku Hadlay

0
756

“Soomaaliya Waxa Ay Doonaysaa Inay Cunaqabatayso Somaliland, Annagu Waanu Ka Maarmaynaa Caawimada Caalamka” Wasiir Sacad Oo Luuqad Adag Ku Hadlay

(DLN-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in aanay Somaliland waxba ka qaban karin haddii beesha caalamku maqasho Soomaaliya oo ay Somaliland ka joojiso mucaawinada. Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya cunaqabataynayso Somaliland, islamarkaana iyada oo aan waxba siin ay xaasidayso deeqaha caalamka.

“Somaliland maaha gobol ka mid ah Soomaaliya. Somaliland iyo Soomaaliya waa laba waddan oo kala jaad ah. Somaliland way 100 jirsatay, taariikhdana 30 sanno oo kaliya ayay labada waddan isa soo gaadheen. Somalia waxba ma siiso Somaliland, cidda wax bixisa waa Illaahay laakiin, dalalka cashuuraha dadkooda wax ka bixiya ayaa wax soo bixiya iyagana go’aanka iska leh cidda ay wax siinayaan. Iyada oo aanay waxba ku xidhnayn Soomaaliya waxa nasiib darro ah in ay ka soo baxaan weedho ah in cunaqabatayn lagu sameeyo Somaliland taas oo ka hor imanaysa heshiiskii labada madaxweyne wada galeen 2014 oo ahaa in aan la siyaasadayn wixii horumar iyo mucaawimo ah,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad.

 

 

Wasiir Sacad wuxuu sheegay in beesha caalamku Somaliland siiso wixii ay ugu talo gashay iyada oo lagu salaynayo qorshaha Qaranka “ Horta anigu ma qabo Somaliland lama citiraafsana; horta xubin kama nihin midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay laakiin, Somaliland dunidu way taqaana in uu yahay dal taariikh leh oo dawlad leh, dawladda Soomaaliya looma dooran Somaliland, waxaanay Somaliland sideeda ula dhaqanta caalamka haddii ay dawlado tahay, hay’addo iyo shirkadaba tahay,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Shire.

 

 

Wasiirku wuxuu sheegay in ay Somaliland ka maarmi karto qaadhaanka beesha caalamku siiso “Cidda wax na siisa haddii ay waxeeda iska haysato waxaanu ku samayn karno ayaaban jirin. Somaliland way soconaysa oo wax iska bedelaya ma jiraan haddii wax allaale waxa deeq la siiyo la joojiyo. Cidda deeqda bixisa iyada go’aamisa cidda ay wax siinayso iyada oo aanay waxba ku xidhnayn Soomaaliya waa nasiib darro in ay cadaadis saarto cadaawadi ka muuqato iyo cunaqabatayn,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad.

 

 

 

Wasiir Sacad oo BBC-du waydiisay in deeqaha loo qaadan doono sida Soomaaliya hawada ula wareegtay wuxuu ku jawaabay “Horta Hawadayada cidi miyay qaadan kartaa? Somaliland dhul, bad iyo hawo ayay leedahay cid hawadayada qaadan kartaana ma jirto,” waxaanu intaasi ku daray in Somaliland wada hadal kala leedahay Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay sidii hawada looga wada maamuli lahaa Hargeysa iyo Muqdisho loona qaybsan lahaa dhaqaalaha ka soo baxa haddii taasi lagu guuldaraystana Somaliland qaadi doonto tallaabada la gudboon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here