Gaalkacyo: Lacagta Kunka Shillin Ee Soomaaliga Ah Oo Laga Diiday Isticmaalkeeda

0
649

Gaalkacyo: Lacagta Kunka Shillin Ee Soomaaliga Ah Oo Laga Diiday IsticmaalkeedaWararka aanu ka helayno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ganacsatada suuqa Gaalkacyo diideen in ay saaka qaataan ama wax ku iibiyaan lacagta kunka shilligs ee Soomaaliga ah. Arrintan ku sababeeyay in ay tahay walaaac ay ka qabaan lacagta cusub ee dowladda Federaalka ah soo daabaceyso dhawaan oo la shaaciyey.

 

 

 

Dadka Gaalkacyo ayaa hadda adeegsanaya lacagta ku jirta teleefannada ee loo yaqaano  MMT.

 

 

Lacagta kunka shilings ah, waxaa horay looga diiday magaalada Baladweyne oo aan ilaa hadda laga adeegsan. Maamullada Puntland iyo Galmudug wali kama hadlin arrintan ku soo korodhay magaalada Gaalkacyo.

 

 

 

 

Lacagta kunka shillin ee Soomaaliga ah. Sawir hore/Google

Dowladda federaalka ah ayaa dhawaan soo bandhigtay naqshadaha lacago ay suuragal tahay in dowladda daabacdo iyada oo sidoo kalena sheegtay in naqshadda la beddeli karo oo aanay ahayn tii saxda ahayd.

 

 

 

Lacagta cusub waxaa ay ka kooban tahay 10,000 iyo 5,000 oo isku dheggan, halka midda dhammaadka ah ee hadda taalla tahay 1,000 oo kali ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here