Google-ka Oo Salman Khan U Aqoonsaday Atooraha Bollywoodka Ugu Xun (Bollywood Worst Actor)

0
1489

Google-ka Oo Salman Khan U Aqoonsaday Atooraha Bollywoodka Ugu Xun (Bollywood Worst Actor)

 

Shirkada Google-ka ayaa dhowaan soo daabacday in Salman Khan yahay atooraha Bollywoodka ugu xun (Bollywood Worst Actor) ayagoo u fiiriyeen hadal heynta afka.

 

 

 

Waxaa jiraan saxaafada qaar kamid ah iyo daawadayaasha qaar kamid ah oo jilaagan ku tilmaamen inuu yahay atooraha Bollywoodka ugu xun qaab jiliin ahaan balse nasiibka iska saaciday sidaasna maanta maqaamkan ku gaaray.

 

 

 

Sidaa awged Google=ka diidmo badan aye kala kulmin shabakadaha wararka jilayaasha iyo xaqiiqadoda wax ka qoraan iyo shabakadaha ganacsiga aflaamta wax ka qoraan sida Box-office-ka oo kale iyo waliba shirkadaha abaal marinada bixiyaan waxayna dhamaan kasoo horjeesteen hadalka ah Salman waa atoorahaa Bollywoodka ugu xun.

 

 

 

Maxay ku doodeen misane kaga hor imaaden in Salman ahen atooraha ugu xun Bollywoodka:

 

 

Sida guud sharaxaad marka aan ka bixino sababo badan aawged waxaa cadaaneyso hadalkaan in ay Google-ka ku khaldameen waxayna shabakadahan ay soo qoreen sida tan.

 

 

 

“Waa wax aan caqli gal ahen maskaxda qofkana ka weyn in jilaa weyn oo misane maanta fanka awoodisa gacanta ku hayo la dhaho waa atooraha Bollywoodka ugu xun ma ahan wax la aamini karo kaliya Google-ka waan iska hadlay unban u fahmeena.”

 

 

 

“Salman waa atoore kamid ah atoorayaasha guusha taariikhiga ah ka gaareen film nooc walba oo uu yahay sida aflaamta jaceylka ah oo uu la yimid Maine Pyaar Kiya, Hum Aapke Hai Koun, Jab Pyaar kisise Hota Hai, Pyaar Kiya To Darna Kiya, kuwa arimaha qoyska ka hadlayaan waxaa kamid ah Hum Saathi Saathi Hain, Prem Rathan Dhan Payo, Baghban iyo kuwa kale.”

 

 

 

“Hadii aan ka hadalno aflaamta shactirada ah Biwi No.1, Judwaa, No Entry, Partner iyo aflaam kale ayaa jiraan ayadoo uu sameyay filmo qalbiga taabanayaan sido kalena aflaam lala ilmeeyo ah sida Hum Dil De Chuke Sanam iyo Tere Naam Salman waxaa intaas usii dheer inuu yahay atoore Action-ka ku wanaagsan aflaamtisa Action-ka waxaa kamid ah Dabangg taxanihiisam, Tiger taxanihiisa, Wanted, Race 3 iyo kuwa badan.”

 

 

 

“Filmada aan soo tirinay oo dhan qeyb walba Salman waa atoore guul wacan ka gaaray abaal marino kala duwana lagu siiyay kuwa badanaa u tartamay shacbiyad balaarana ku helay sido kalena dadka kuwada jeclaadeen side macquul ku tahay atoore sidan oodhan u shaqeestay daawadayaashana kasbaday Box-office-kana guul tii ugu sareesay ka gaaray inuu noqdo atooraha ugu xun Bollywoodka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here