WAR WAYN : 3 Idiots Oo Qeyb Labaad Laga Sameenayo Iyo Xiliga Duubis Lagu Bilaawayo!!

0
832

WAR WAYN : 3 Idiots Oo Qeyb Labaad Laga Sameenayo Iyo Xiliga Duubis Lagu Bilaawayo!!

 

Mr.Prefectionist Aamir Khan  filmkiisa guusha taariikhda ah u gaaray 3 Idiots ayaa la sheegaya in qeyb labaad laga sameen doono waliba sheeko ka xiiso badan qeybtii kowaad lasoo helay.

 

 

3 Idiots waxaa la daawaday sanadkii 2009 waxana wada jileen Aamir Khan, Kareena Kapoor Khan, R.Madhavan, Sharman Joshi, Boman Irani iyo kuwa kale waxuuna noqday All Time Blockbuster iyo filmada hindiya sameyeen taarikh ahaan kuwooda ugu sheekada wanaagsana ayuu kamid noqday filmkaan.

 

Hadaba Director Rajkumar Hirani oo filmkaan sameyay ayaa shaaca ka qaaday in qeyb labaad laga sameen doono waxuuna arinkaan sheegay markii lasoo bandhigay goos gooska Filmka Sanju.

 

 

Waxuu yiri isagoo hadlaayo,”Waa run in aan qeyb kale ka sameen doonno 3 Idiots waliba sheeko ka xiiso badan ayaan helnay waxaana jecelnahay inaan goor dhow ka howl galno balse sheekada filmka qeybahiisa dambe ayaan dayactir ku wadnaa.”

 

 

 

Wararka kale ee la helaayo ayaa kudareen in Hirani uu mashruucan ka howl gali doono kadib marka uu sameeyo filmka Munna Bhai 3….

 

 

 

 

 

 

 

Xigasho: Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here