Maxaa ka qaldamay Madaxweyne Muuse Biixi?

0
19

Faaladaan waxaa faafiyey Senator Cismaan Dubbe oo ka mid ah Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo ku daabacay bartiisa Facebooka, ayuu ciwaan waxa uu uga dhigay, Maxaa ka qaldamay Madaxweyne Muuse Biixi.

Aan ku bilaabo’e: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxu 24 saacadood kahor saxeexay warqaddii ugu muhiimsanayd ee dhammaadka muddo xileedkiisa, waa warqaddii in doorasho loo dareero. Haa, halkaa waxa ku soo dhammaanaya 7 sanadood oo Muuse hayey xukunka Somaliland. Saacadda madaxweyne saxeexo in doorasho loo dareero waa saacadda qiyaamuhu dhaco oo kale ee aan madaxweynayaasha xil iyo xoolo toona loo doonan, xitaa telefoonada aan laga qaban, dadkuna sida daruuraha u guur guuro. Taliyayaasha ciidamaduna iska xaadiriyaan xarumaha mucaaradka.

Aan ku yara noqonno 2017-kii, anigu Muuse imaatinkiisii baan wax ku lahaa, weliba hawl badani iga soo martay. Sababta oo ah waxa aan ka filayey in uu noqon karo geed weyn oo damal ah oo iska daa Soomaali e’ Afrika ka shaqeeya ururinteeda iyo midnimadeeda. Xilligii ololaha marka la’ i weydiiyo aragtida iyo hoggaaminta Muuse waxan cod bixiyayaasha ku odhan jirey “Muuse waa Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda oo kale, ninkaas uun buu ku bannaan yahay.”

Si aan taa u xaqiijiyo bal aan inyar kula wadaago dhibtii aan u maray. Marka laga tago ololihii, marka laga tago wax ka dejintii qorshaha guusha, marka laga tago is barbar taaggii xilligii uu dhawrka qof haystay, marka laga tago dooddii iyo dirirtii aanu dad badan isku seegnay, marka aanan xusin safaradii dhaadheeraa ee maalin-gaalka iyo guuraha lahaa ee Sool, Sanaag illaa Awdal, xitaa kuwii qurbaha iyo qaboobaha. U codayntiisii oo keli ah saddex jeer baan England uga soo dhoofay. Saddexda jeer waxa ay kala ahaayeen:

Kow: Is-diiwaan gelintii koowaad oo aan maalintii ugu dambaysay iska diiwaan geliyey tuulada Coodanle oo ka tirsan Degmada Buuhoodle.

Laba: kaadh qaadashadii oo inta aan maalin Khamiis ah ka soo baxay London, flydubai subax hore ku imi Hargeisa, baabuur Landcruser ah ka kaxaystay, Jimcihii 4-tii galabnimona aan noqday qofkii ugu dambaysay ee card kiisa ka qaata Qorulugud.

Saddex: Codayntiina aniga oo 3 Habeen iyo 3 maalmood u soo jeeday ololihiisa, maalintii doorashada oo dhanna aan shaqaynayey, baan casar gaabkii tuulada Balli Calanle oo Burco u jirta 150km ka soo codeeyey, si aanu codkayga ugu dhicin, sababta oo ah Balli Calanle waa meeshii 2003 sanduuqii yaallay ee Siilaanyo codka u badan lahaa la kansal gareeyey, sidaasna uu ku waayey Madaxweyne-nimadii. 14 sanadood ayaa u dhaxaysay galabtaas iyo galabtan aan dul taaganahay sanduuqii Balli Calanle laftiisii.

Habeenkaas waraaqaha codaynta la soo daad guraynayeyna intiisii badnayd waan soconayey oo baabuur baan waday, hawsha oo badnayd darteed, iyo in aan wax khilaaf ahi dhulkan oo ah dhulka gobolka Togdheer ugu cod badan aanu ka dhicin. Balli-dhiig illaa Burco ayaan marba tuullo tegeyey, aniga oo weliba inta badan hurda ayaan haddana baabuurka waday, waan xasuustaa si aan indhaha u kala qaado marba inta aan istaago baan caagad biyo ah madaxa iskaga shubayey.

Waxan hubaa in ragga maanta Madaxweyne Muuse la jooga aanu ku jirin nin qudha oo intaa u maray doorashadiisii oo celcelis ahaan illaa Europe illaa Hawd 30,000 oo kiiloomitir u socday in uu Muuse noqdo madaxweyne.

Sababtaas baan uga gaabsaday in aan Muuse Biixi iyo todobadiisii sanadood ee taariikhiga ahaa wax ka sheeg sheego oo aan marba fartayda dhinacyada ka eego. Maantana ku fogaan maayo ee si aanu madaxweynaha ka dambeeyaa ugu dhicin qaladaadkii oo kale ayaan u qorayaa dhawr qalad oo waaweyn oo Muuse ku dhacay. Waa cashar ee ma’aha siyaasad.

Madaxweyne Muuse wuxu sameeyey qaladaad badan, fursado badanna wuu lumiyey. Xitaa waxa soo martay mar bilowgii 2020-kii loo cumaamaday in uu noqdo boqorka 30ka malyuun ee Soomaaliyeed, oo ahayd meeshii aan la’ jeclaa, laakiin ay taladu seegtay oo uu qaadan kari waayey.

Hadda kama hadlayo arrimahaas iyo qaladaadkii odaygu uu galay oo dhan oo ay ugu weynayd tii L