Dibadbax lagu taageeray Falastiin oo sabab u noqday in Jaamacad ku taalla Maraykanka ay joojiso in Fasallada la xaadiro

0
17

Dibadbax lagu taageeray Falastiin oo sabab u noqday in Jaamacad ku taalla Maraykanka ay joojiso in Fasallada la xaadiro

Maamulka Jaamacadda Columbia ee ku taalla Magaalada New York ee Dalka Maraykanka ayaa go’aan culus ku gaaray in aanay Ardaydu soo xaadiri doonin fasalka balse ay duruustooda ku qaadanayaan muuqaalka Fogaan-aragga ah.

Tallaabtaan ayaa timid kaddib markii Jaamacadda uu ka dhacay dibadbax kooban oo lagu taageeray Falastiin maadaama ciidanka Yuhuudda ay dhibaatooyin xooggan u gaysteen isla markaana Maraykanka uu garab xooggan ku siinayo ficilkaas.

Qoraal ay soosaartay Haweeneyda guddoomisa u ah Jaamacadda Columbia ee lagu magacaabo Nemat Minouche Shafik ayay ku sheegtay in Jaamacaddu ay hakisay duruustii sida tooska ah loogu dhex qaadan jiray gudaha Jaamacaddaas.

Maamulka Jaamacadda ayaa lagu cadaadiyay in uu ka falceliyo ereyada ka dhanka ah Israaiil ee Dibadbaxayaashu ku dhawaaqayeen kuwaas oo aad ay u dhibsatay Xukuumadda Tel Aviv isla markaana uu yimid go’aankaan wadajirka u saameeyay guud ahaan Ardayda.

Dad badan oo Maraykan ah oo xitaa qaarkood aanay Muslimiin ahayn ayaa diidan tallaabada Maamulka Biden uu ku hubaynayo kuna garab taagan yahay xasuuqa Israaiil ay ka gaysanayso Dhulka Falastiin taasina ay bar-madow ku noqotay Xukuumadda Washington.

Xabsi ku yaalla New York waxaa ku xiran in ka badan 100 ruux oo ah Ardayda Jaamacadda kuwaas oo ka qaybgalay dibadbaxa waxaana ay ku doodeen in xorriyadda hadalka Maraykanka ay u cuksanayaan dhigista dibadbaxooda.