Somaliland & SSC-Khaatumo oo dhaqdhaqaaq ciidan kawada Gobolka Sool

0
22

Deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Sool waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo ay samaynayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo waxaana dadka deegaanka ku dhashay dareen colaadeed.

Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay ciidan badan gaysay deegaanno dhowr ah Balse Maamulka sida kumeel-gaarka ah ay u aqoonsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee SSC-Khaatumo ayaa qudhiisa wada dhaqdhaqaaq ciidan.

Dadka ku sugan Oog, Buq-dharkayn & deegaanno kale ayaa billaabay in ay halkaas isaga barakacaan maadaama cabsi xooggan ay ka muujiyeen dhaqdhaqaaqaas ay wadaan dhinacyadaan hubaysan ee waqtiga fog is hor fadhiya.

Somaliland ayaa damacsan dib u qabsashada deegaanno dhowr ah oo gacantooda ka maqan tan iyo sanadkii hore 2023kii oo si awood ah ay uga qabsadeen ciidamada Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo oo ku gacan-saremaray dagaalladii dhacay.

La soco wixii soo kordha