Israaiil oo duqayn ku dishay 18 ruux oo Carruur ku jirto.

0
21

Militariga Israaiil ayaa duqayn arxan-darro ah ku beegsaday Xerada Maghazi ee dhacda bartamaha Magaalada Gaza ee Falastiin waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dad dhammaantood Shacab ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay ugu yaraan 18 ruux oo carruur ay qayb ka yihiin waxaana dhaawac soo gaaray dad kale oo lagu dawaynayo mid kamid ah goobaha caafimaadka ee fara-ku tiriska ah ee Gaza haatan ka howlgalla.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in khasaaraha uu yimid kaddib markii xalay waqti dambe duqayntu ay soo billaabeen ciidamada Yuhuumadda sidaasina ay waxyeellada kusoo gaartay Dadkaan.

Ciidamada Israaiil ayaa kordhiyay duqaymaha aan loo meel-dayin ee Magaalada Gaza ku beegsanayso iyada oo ay iska indha-tirayso soo jeedinta kala duwan ee la xiriirta ilaalinta meelaha lama-taabtaanka lagu sheego.

La soco wixii kasoo kordha