Ismaaciil Haniya: Dilka wiilasheyda ee Israa’iil waxba uma dhimeyso Xamaas

0
29


Ismaaciil Haniya: Dilka wiilasheyda ee Israa’iil waxba uma dhimeyso Xamaas
April 11, 2024

Hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa xaqiijiyay in saddex ka mid ah wiilashiisa iyo afar carruur ah oo uu awoow u ahaa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay Qasa.

Warbaahinta xiriirka la leh Xamaas ayaa sheegtay in gaariga ay la socdeen wiilashiisa lagu weeraray xerada Al-Shati oo ku dhow magaalada Qasa.

Haniyeh ayaa sheegay in dhacdadani aysan waxba ka bedeli doonin dalabaadka Xamaas ee wadahadalada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabad joojin ah.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in wiilashan ay ahaayeen xubno ka tirsan garabka militariga ee Xamaas.

Kooxdan ayaa la sheegay in ay u socdeen xaflad qoys oo ay ku xusayeen maalinta koowaad ee ciidulfitriga.

Xaniyeh ayaa u sheegay telefishinka Aljazeera in saddex wiil oo kala ah Hazem, Amir, iyo Muhammad ay ku sugnaayeen Qasa intii uu dagaalku socday.

Bayaan ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in afar ka mid ah uu awoow u yahay Xanayiha – Mona, Amal, Khaled iyo Razan – ay ka mid ahaayeen dadka lagu dilay waxa ay ugu yeereen “khayaano iyo fuleynimo”.

Xaniyeh ayaa sheegay in uu warkan maqlay xilli uu booqanayay dhaawacyadii Falastiiniyiinta ee loo qaaday in lagu dabiibo caasimadda Qatar ee Dooxa oo ah halka uu deggan yahay hoggaamiyaha Xamaas.

“Cadowgu waa dhalanteed haddii uu u maleeyo in ay baddalayso mowqifka xarakada caruurtayda oo la beegsado, marka la gaaro meesha ugu sarreysa ee wada xaajoodka [xabad joojinta] iyo ka hor inta aysan xarakadu soo dirin jawaabteeda,” ayuu u sheegay Al Jazeera.

Faallo uu ku baahiyey Telegram-ka Xamaas, waxa uu Eebbe uga mahad-naqay “sharafta” uu ku maamuusay waxa uu ugu yeedhay “Shahiidnimada carruurtiisa iyo kuwa uu awoowga u yahay”.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay “ka takhaluseen saddex ka mid ah saraakiisha garabka militariga ee Xamaas ee ku sugnaa bartamaha marinka Qasa”, iyaga oo intaa ku daray in ay yihiin wiilal uu dhalay Ismaaciil Xaniyeh. War saxaafadeedka laguma xusin dhimashada caruurta uu awowga u yahay Xaniyeh.

Iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabad joojin ah, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalka u diray madaxa CIA, William Burns.

Soo jeedintii ugu dambeysay oo Xamaas ay sheegtay in ay falanqeyneyso ayaa lagu soo waramayaa in ay ka mid tahay in la sii daayo 40 la heyste oo Israa’iili ah oo lagu haysto Qasa kuwaas oo lagu badalayo sii deynta 900 oo Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil.

Xaniyeh ayaa lagu tiriyaa in uu yahay hogaamiyaha guud ee Xamaas, waxaana uu ahaa xubin caan ka ah dhaq dhaqaaqa tan iyo sannadkii 1980-kii, waxaana loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas 2017-kii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku tilmaantay argagixiso sannadkii 2018-kii.

Ma ahan xubnihii ugu horeeyay ee qoyska Xaniyeh ee lagu dilo dagaalka. Wiil kale ayaa la sheegay in la dilay bishii Febraayo, halka walaalkii iyo wiil uu adeer u ahaa la dilay bishii Oktoobar, waxaana ku xigay wiil uu awoowe u yahay bishii Novfembar.

Dablay hubaysan oo Xamaas hogaaminayso ayaa weerar ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, in ka badan 250 kalena ay qafaasheen.

Israa’iil waxay sheegtay in 130 ka mid ah la haystayaasha weli ku sugan Qasa, ay ugu yaraan dhinteen 34 ka mid ah.

In ka badan 33,000 oo dadka Qasa ah, oo u badan dad rayid ah, ayaa lagu dilay weerarka Israa’iil ee Qasa tan iyo weerarkii Oktoobar.