Hindiya oo sheegtay in ay maxkamad soo taagayso Burcad Badeed Soomaali ah oo ay qabatay.

0
47

Hindiya oo sheegtay in ay maxkamad soo taagayso Burcad Badeed Soomaali ah oo ay qabatay.

Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaaqday in ay Maxkamad soo taagayso Burcad Badeed Soomaali ah oo horay u qafaalatay Markabka Xamuulka qaada ee MV Ruen oo ugu dambayn ciidankeeda gaarka u tababaran ay soo furteen.

Howlgalkaan soo furashada Markabka oo dhiig ku daatay isla markaana ay ku geeriyoodeen qaar kamid ah howlwadeennada la socday MV Reun ayaa ugu dambayn kusoo gabagaboobay in Hindiya ay qabatay ku dhowaad 40 ruux oo burcad badeed Soomaali ah.

Sarkaal katirsan ciidamada Badda Hindiya ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku hayaan kooxahaan burcadda ah ee qafaalatay Markabkaan 14kii Deseembar 2023 iyaga oo ciqaab culus u gaystay shaqaalaha markankaba la socday.

Qaar kamid ah Ragga Burcad badeedda ah ayaa is dhiibtay kaddib markii dagaalka ay la galeen ciidamada Hindiya uu ku cuslaaday kuna dhaawacmeen qaarkood waxaana sidaas kusoo afjarmay dagaalkii iska caabbin ahaa iyada oo ugu dambayn laga dul-degay.

Warbaahinta Hindiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay sheegtay iyada oo soo xiganaysa mas’uuliyiin katirsan Dowladdooda in weerarrada Badda cas iyo badwaynta Hindiya keliya aanay gaysan Kooxaha Xuutiyiinta Yemen balse ay ku laban yihiin Burcad Badeed Soomaali ah.