Saraakiil iyo askar loo xiray weerarkii lagu qaaday hotelka SYL iyo baaritaano socda

0
47

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa durba qaaday tallaabooyin deg deg ah oo la xariira weerarkii ismiidaaminta iyo midkii tooska ahaa ee kooxda Al Shabaab habeen hore ku qaadeen hotelka SYL ee kuyaalla agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay laamaha amniga ayaa xabsiga dhigay saraakiil iyo askar katirsan ilaalada madaxtooyada, gaar ahaan kuwii ku sugnaa koontaroolka Sayidka oo la sheegay in ay kasoo gudbeen raggii fuliyay weerarkii hotelka SYL.

Labo gaari oo la sheegay in ay la socdeen raggii fuliyay weerarkii hotelka SYL ayaa ka gudbay koontaroolka laga ilaaliyo madaxtooyada, waxaana raggan la sheegay in ay adeegsanayeen aqoonsiyo been abuur ah.

Askarta loo xiray falkan Al Shabaab uga gudbeen koontaroolka sida weyn loo ilaaliyo ayaa ku socdo baaritaano , waxaana askartan lagu eedeeyay in ay gudan waayeen waajibkooda ayna koox argagaxiso u fududeeyeen weerarka.

Kaamirooyinka qarsoon ee yaalla xarunta taliska Nabad sugida ayaa laga dhax arkaya sida ragga hubeysan ee katirsanaa Al Shabaab iyo gaadiidkii ay wateen uga gudbeen koontaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galab tagay xarunta NISA si uu indhihiisa ugu soo arko muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka CCTV-ga ee waddooyinka ku xiran, isagoona amray baaritaano qoto dheer in lagu sameeyo kiiskan.