Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Ka Qaybgalaya Shir u Dhaxeeya Midowga Yurub Iyo Dalalka Soo Koraya Oo Maanta Ka furmaya Brussels

0
85

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Ka Qaybgalaya Shir u Dhaxeeya Midowga Yurub Iyo Dalalka Soo Koraya Oo Maanta Ka furmaya Brussels

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Magaalada Brussels ee Xarunta Dalka Biljamka ayaa ka qaybgalaya shir labo cisho soconaya oo u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Dalalka soo koraya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaas oo soconaya 25ka Oktoobar 2023 oo maanta ah illaa berri oo ah 26ka Oktoobar ka jeedinaya khudbad uu uga hadlayo Arrimaha Dalka & waxyaabaha laga gacansiin karo.

Waxaa shirka dhinac soconaya kulamo doceedyo ay wada qaadanayaan madaxda kulmisay madashaan si ay isaga xog-warreystaan xiriirka ka dhaxeeya, xaaladaha taagan iyo waxyaabaha ay iska gacansiin karaan.

Shabakadda Brussels Times ayaa daabacday in shirkaan uu soconayo 26ka illaa 27ka Oktoobar 2023 oo ah maalmaha Khamiista & Jimcaha sidaasina ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan xubnaha ka shaqeynaya qaban-qaabinta shirkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here