Gaza: in ka badan Maydadka 100 ruux oo laga soo hoos bixiyay dhismaha duqeynta ay ku dumisay Israaiil.

0
82

Gaza: in ka badan Maydadka 100 ruux oo laga soo hoos bixiyay dhismaha duqeynta ay ku dumisay Israaiil.

Kooxaha Gurmadka Degdega ah ee Falastiin ayaa ka warbixiyay howlgallo culus oo saacado ku qaatay oo ay ka sameeyeen Magaalada Gaza iyaga oo soo saaray Maydadka in ka badan 100 ruux oo ku geeriyootay duqeynta ciidanka Israaiil ay ka geysatay Magaaladaas.

Waxaa la dhigay xarunta loogu talagalay in la isugu geeyo Dadka Maydadkooda lasoo helo ama ku dhinta duqeynta Xasuuqa ah ee Yuhuuddu ka geysaneyso Magaalada Gaza iyo Deegaanno kale oo dhulka Falastiin ah.

Teleefishinka Aljazeera oo si dhow usoo gudbinaya xogaha la xiriira Xasuuqa Israaiil ay u geysaneyso Falastiiniyiinta ayaa soo bandhigay sawirrada Dad carruur u badan oo la isugu geeyay mid kamid ah goobaha loo asteeyay si loo diyaariyo aas wadareed loo sameynayo.

Duqeynta Yuhuudda ay ka geysaneyso Magaalada Gaza ayay kordhisay maalmihii u dambeeyay waxaana taasi ka dhashay dhimasho dad u badan Carruur, Haween iyo kuwo da’ ah oo awoodi waayay in ay isaga baxaan guryahooda.

Ciidanka Israaiil ayaa dhanka kale si awood u ah u kaxaystay (u watay) dhalinyaro falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Xerada Qalandiya, waxaa ka dhashay kacdoon xooggan oo ay sameeyeen Dadka ku sugan xeradaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here