Maxaa dib usoo cusbooneysiiyay dagaalka Azerbaijan & Armenia ee Nagorno-Karabakh?

0
107

Washington ayaa Talaadadii ugu baaqday Azerbaijan inay hakiso howlgalka militari ee ay ka billowday gobolka ay maamulaan Armeeniyiinta ee Nagorno-Karabakh, halka Ruushka uu ku booriyey labada dhinac inay hakiyaan dhiigga daadanaya.

Kadib bilo ay xiisadda sare uga sii kaceysay gobolka Nagorno-Karabakh, Azerbaijan ayaa ciidamo u dirtay ayada oo isku dayeysa in gobolkan gooni u goosadka ah u cago dhigto.

Karabakh ayaa waxaa caalami ahaan loo aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay dhulka Azerbaijan, hase yeeshee waxaa qeybo ka mid ah maamula mas’uuliyiinta Armenia oo ku dooda inuu yahay dhulkii awoowyaasood.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa taleefonka kula hadlay madaxweynaha Azerbaijan Ilham Iliyev iyo ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan, isaga oo Baku ku booriyey inay xiisadda qaboojiso.

“Waxaan maanta la hadlay madaxweynaha Azerbaijan Aliyev, waxaana ku booriyay inuu si deg deg ah u joojiyo howlgalka militari ee Nagorno-Karabakh,” Blinken ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Qoraalka wada-hadallada ayey Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku sheegtay in Aliyev “uu muujiyay inuu diyaar u yahay” joojinta colaadda iyo inuu kulan la yeesho wakiillada Nagorno-Karabakh.

Blinken ayaa ugu sheegay Pashinyan wada-hadalladooda in Armenia ay taageero buuxda ka haysato Washington.

Armenia ayaa dhul ballaaran kula wareegtay dagaal dhacay markii Midowgii Soviet uu burburay. Azerbaijan ayaa inta badan ku soo ceshatay dagaal lix toddobaad socday oo dhacay 2020, kaasi oo ku istaagay xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadiyey.

Maamulka gooni u goosadka ee Karabakh ayaa sheegay in 27 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan labo rayid ah, in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen tallaabada militari ee Baku ay qaaday Talaadadii. Shacabka xaafadaha qaarkood ayaa sidoo kale la daad-gureeyey, sida ay shegeeen.

Moscow ayaa saaka oo Arbaco ah ugu baaqday labada dhinac inay joojiyaan dhiigga daadanaya iyo colaadda, ayna ku soo laabtaan dhaqan-gelinta heshiiska xabbad-joojinta ee 2020.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada iska soo horjeeda inay si degdeg ah u joojiyaan dhiigga daadanaya, joojiyaan colaadda, meeshana ka saaraan khasaaraha rayidka,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda Telegram-ka.

Yerevan, oo wada-hadallo nabadeed oo goos goos ah la yeelaneysay Azerbaijan, oo ay ku jiraan su’aalo la xiriira mustaqbalka Karabakh, ayaa cambaareysay “gardarrada baaxadda leh” ee Baku ee ka dhanka ah shacabka Karabakh, waxayna Azerbaijan ku eedeysay duqeynta magaalooyin iyo xaafado.

Baku ayaa tiri in ujeeddadeedu tahay “in hub ka dhigis laga sameeyo lana sugo ka bixitaanka ciidamada qalabka sida ee Armenia ee dhulkeena, (iyo) in laga takhaluso kaabayaashooda militari.”

Isha: VOA SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here