Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel?

0
149

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel?

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horreysay fool ka fool ula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, kulankaas ayaa dhaliyay hadal-hayn iyo falanqayn badan oo laga sameeyay.

Labada dhinac ayaa horay ugu heshiiyay xoojinta horumarinta xiriirkooda si ay isaga soo dhawaadaan halkii ay kala taagnaayeen, fursadda ay ku kulmeen ayaa ka dhalatay shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee shalay ka furmay Mareykanka.

Warbaahinta Turkiga, tan Israel iyo weliba midda madaxa-bannaan ayaa hadallo dhinacyo kala duwan taabanaya ka qoray kana gudbiyay kulan doceedka ay wadayeesheen Madaxweyne Erdogan & Ra’iisul Wasaare Netanyahu.

Mid kamid ah sheekooyinka aadka loo hadal hayo waxaa baahiyay Teleefishinka Channel 12 ee Israel kaddib markii uu sheegay in sanad guurada 100aad ee Jamhuuriyadda Turkiga oo ku beegan bisha soo socota in Madaxweyne Erdogan uu tagayo Masjidka Al-Aqsa.

Si dhab ah looma xaqiijin arrintaan oo qudheeda tafaasiil kala duwan laga sii bixiyay, madaxtooyada Turkigu weli ma beenin mana rumeyn jiritaanka warkaan ah safarka Madaxweyne Erdogan ee Masjidka Al-Aqsa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here