Erdoğan oo ugu baaqay Maraykanka in la helo dadkii ka dambeeyey Weerarkii Turkish House

0
100

Erdoğan oo ugu baaqay Maraykanka in la helo dadkii ka dambeeyey Weerarkii Turkish House

Madaxweyne Rajab Dayib Erdoğan ayaa ka sheegay Isku-soo-bax ka dhacay magaalladda Istanbul, in ay madaxda Maraykanka ka doonayaan in la soo helo argagixiyihii weerartay dhismaha Aqalka the Turkish House (Türkevi) oo ku yaalla magaalladda New York.

“Waxaan sida ugu dhaqsaha badan Maraykanka uga doonaynaa in la helo, lana soo qabto Argagixiyaha, si loogala xisaabtamo dembiga ay galeen” ayuu yiri Erdoğan, oo intaasi ku daray inuu Aqalka The Turkish House ku yaallo meel u dhow Dhismaha Xarunta QM.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdoğan ayaa waxa uu isweydiiyey waxa ay Maraykanka oo Dimuqraadi ah ka faa’idayaan in la weeraro, lana burburiyo daaqadaha guriga The Turkish House ee kuyaal;la New Yourk.

Waxa kale oo uu tilmaamay madaxweynaha Turkiga inuu la yaabi lahaa haddii shilkaasi oo kale ka dhici lahaa gudaha dalka Turkiye sida ay iyaga u arki lahaayeen ugana fal-celin lahaayeen.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiye, Mevlüt Çavuşoğlu waxa uu dalbaday in sida ugu dhaqsaha badan loo aqoonsado dembiilayaasha weeraray Guriga The Turkish House ee ku yaalla New York.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu Dowladda Maraykanka ka dalbaday inay Badbaaadinta lama huraanka ah siiyaan Ergada Dibloomaasiyiinta Turkish-ka ee ku sugan Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here