Deni: “Waxaa Sharaf ii ah in aan qaraacay albaabada Xaafadaha Badhan si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan”.

0
126

Deni: “Waxaa Sharaf ii ah in aan qaraacay albaabada Xaafadaha Badhan si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan”.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xaafadaha Magaalada Badhan ka sameeyay ololaha uu codka ugu raadinayo Urur Siyaasadeedka uu katirsan yahay ee KAAH si dadka codeynaya ay u siiyaan codkooda.

Madaxtooyada DG Puntland ayaa baahisay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo albaabada u garaacaya qaar kamid ah Dadka u diiwaangashan in ay codbixinta 25ka May 2023 oo berri ah ka qaybgalaan si uu codkiisa u weydiisto.

“Waxaa sharaf ii ah inaan qaraacay Albaabada xaafadaha Badhan, si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan, oo u codeeyaan Ururka KAAH Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25 May 2023, KAAH waa ururka ay kasoo maaxatay aragtida iyo hirgelinta in awooda Shacabka loo dhoweeyo” ayaa lagu yiri war lagu daabacay Barta Madaxtooyada Puntland.

“In aniga oo Madaxweynihii ah aan cod ka raadinayo Bulshada, tegayo xaafadaha oo codsanayo cod, waa guulaha ugu weyn ee Shacabku helayo waayo waxay awood u yeesheen in ay wax doortaan, dadkaygow waxaa inaga go’an in aynu wadajir taariikh u sameyno Inshallah (Berito) 25 May 2023. Waxaynu suntaynaa Taariikh cusub oo soo noolaysay Rajada Shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waayo Rajada u weyn ee dalkeenu waa in dadku codeeyo” ayaa lasii raaciyay warka lagu daabacay Barta Madaxtooyada DG Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xoogga saaray ololaha Doorashada, waxa uu dhega ka xirtay muranka siyaasadeed barbar socda Doorashooyinka gaar ahaan sanaadiiqda qaarkood oo u gacangalay Ciidamo katirsan DANAB oo ka gadoodsan sida loo maamulayo Doorashooyinkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here