Brazil oo xaalad degdeg ah loo geliyay kaddib markii uu ku faafay ‘Hargabka Shimbiraha’.

0
146

Brazil oo xaalad degdeg ah loo geliyay kaddib markii uu ku faafay ‘Hargabka Shimbiraha’.

Xaalad degdeg ah oo caafimaad ayaa looga dhawaaqay Waddanka dhaca Koofurta Ameerika ee Brazil kaddib markii ay kordheen kiisaska dadka laga helay ‘Hargabka Shimbiraha’ sida ay sheegtay waaxda caafimaadka u qaabilsan Dalkaas.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday dagaal looga hortagayo faafitaanka hargabkaan oo halis badan gelin kara dadka uu asiibo, waxa ay Dadku ugu baaqday in ay sameeyaan feejignaan dheeraad ah si caafimaadkoodu u hagaagsanaado.

Meelaha laga sheegay kiisaskaan Hargabka Shimbiraha waxaa kamid ah Espirito Santo state & Rio de Janeiro state, Dowladda ayaa shaacisay in ay adeegsaneyso wax weliba oo looga hortagi karo faafitaanka hargabkaan.

Dowladda Brazil ayaa dhanka tilmaamtay in 180ka cisho soo socda ay hubineyso hadba heerka uu cudurkaan gaarayo si ay ugu dhawaaqdo go’aanka ugu dambeeya ee kahortagga iyada oo ay socdaan dedaallada ay sameyneyso.

Waddamo badan oo Caalamka ayaa sheegay in la fududeystay xannuunka Covid-19 oo guud ahaan caalamka saameyn taban ku reebay balse wixii ka dambeeyay fayruskaas laga qaatay waaya-aragnimo buuxda oo la xiriirta in cudur weliba aanay la dhayalsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here