Ciyaartoy badan oo qarka u saaran in ay isaga tagaan Horyaallada Spain & Italy sabab la xiriirta Cunsuriyeen lagu sameeyay.

0
129
Real Madrid's Vinicius Junior reacts during a Spanish La Liga soccer match between Valencia and Real Madrid, at the Mestalla stadium in Valencia, Spain, Sunday, May 21, 2023. (AP Photo/Alberto Saiz)

Ciyaartoy badan oo qarka u saaran in ay isaga tagaan Horyaallada Spain & Italy sabab la xiriirta Cunsuriyeen lagu sameeyay.

Tiro ciyaartoy ah ayaa xilli ciyaareedkaan 2022/23 la kulantay cunsuriyeen ay ku sameeyeen qaar kamid ah taageerayaasha kooxaha ay wajaheen iyo ciyaartoyda kale ee kubadda isaga hor imaadeen iyada oo lagu wado in maamullada Xiriirka Kubadda Cagta ee Spain iyo Talyaaniga ay go’aan kasoo saaraan.

Ciyaaryahanka ugu badan ee la cunsuriyeeyay waa Venicius Junior oo katirsan safka 1aad ee Kooxda Real Madrid, sida ay daabacday Shabakadda Cayaaraha ee Sky Sports waxaa mid takoor lagu sameeyay 10 jeer.

Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Spain ayaa ku dhawaaqay in uu baaris ku wado kiiska sababay in Vini jr uu qaato kaarka casaanka ah (Roso) iyo sida aan wanaagsaneen ee loola dhaqmay dooddana uu ka qabo arrintaas.

Dhanka Talyaaniga waxaa sidaas oo kale marar badan Garoomada ka baxay iyaga oo ilmeynaya Ciyaartooy la cunsuriyeeyay, qaarkood waxa ay taageerayaasha kasoo horjeeda kusoo tuureen khuraarado iyo walxo kale.

Kooxda Kubadda Cagta Real Madrid ayaa cambaareysay ficillada aan dhammaadka lahayd ee ka dhanka ah xiddigeeda Mustaqbalkiisa u muuqda in uu u hibeeyay maadaama uu la galay heshiis waqti dheer ah oo isla hadda ay rabto in waqtiga uu u kordhiyo.

Cambaareyn kuma hakin hadalkeeda ee Raal Madrid waxa ay dambi xisaabtan u baahan ku tilmaamtay takoorka lagu hayo Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Brazil, waxaase jirta cabsi xooggan oo laga muujinayo in ciyaartoy badan ay isaga tegi doonaan horyaalkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here