12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

0
40




12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada (sperm) ee ku jirta manida (semen). Caafimaadka tirada xawada oo la ilaaliyo waxa ay aasaasi u tahay taranka, caafimaadka guud iyo fayow qabka.

Inkasta oo ay jiraan waxyaabo badan oo saamayn ku leh tirada xawada, sida hiddaha iyo hab nololeedka qofka, cunnadu iyaduna waxa kaalin mug leh ayay ka qaadataa. Waxaa jira noocyo ka mid ah cunnooyinka oo haddii aad ku darsato cunnadaada maalinlaha kordhinaya xaddiga shahwada iyo caafimaadka guud ee shahwada.

Qormadan, waxa aynu ku soo aruurinay 12 cunno oo saamayn togan ku yeesha tirada xawada iyo taranka ragga.

Toonta:
Toonta waxaa ku jirta “allicin” oo ah maado la arkay in ay wanaajiso qulqulka dhiigga ee gaaraya xiniinyaha. Tani waxa ay kobcisaa soo saarista shahwada iyo socodkeeda.

Iniinyaha bocorka:
Iniinyaha bocorka waxaa ku jirta macdanta zinc taas oo muhiim u ah soo saarista shahwo caafimaad qabta. Macdanta zinc oo jirka ku yaraata waxaa lala xiriiriyaa tirada xawada oo hoos u dhacda iyo dhalmo la’aanta.

Ukunta
Ukuntu waxa ay qani ku tahay barootiin iyo fitamiin E oo labaduba muhiim u ah caafimaadka shahwada. Fitamiin E waxa uu shahwada ka ilaaliyaa dhaawaca walxaha sunta ah ee loo yaqaanno “free radicals”. Halka barootiinta loo baahan yahay si loo soo saaro shahwo caafimaad qabta.

Koostada:
Caleenta koostada waxaa ay hodan ku tahay maadada folic acid taas oo la arkay in kobciso tirada xawada iyo socodkeeda. Waxaa kaloo laga helaa xadiid taas oo muhiim u ah soo saarista shahwo caafimaad leh.

Lawska:
Lawska waxaa ku badan dufanka omega3 kaas oo la arkay in sare u qaado tayada shahwada, isaga oo kordhiya socodka shahwada islamarkaana yareeya shahwada cilladaysan.

Afakaadhada:
Miraha afakaadhada waxaa ku badan fitamiin E, kaas oo kobciya tayada shahwada. Sida oo kale waxaa laga helaa dufanno caafimaad leh kuwaas muhiim u ah soo saarista hormoonada.

Kalluunka:
Kalluunka waxaa ku badan dufanka omega3 kaas oo la arkay in uu sare u qaado tayada shahwada, isaga oo kobciya socodka shahwada islamarkaana yareeya cilladaha shahwada.

Lohodka (oysters):
Lohodka waxa uu ka mid yahay cunnooyinka ugu fiican ee laga helo macdanta zinc taas oo taas oo aas-aasi u ah soo saarista shahwo caafimaad qabta.

Yaanyada:
Yaanyada waxaa ka buuxo maadada “lycopene” oo ah sunsaare awood badan taas oo kobcisa tayada shahwada iyo socodkeeda.

Shaaha cagaaran:
Shaaha cagaaran waxaa ku jira maadooyinka sunsaarista ee loo yaqaanno “catechins” kuwaas oo unugyada shahwada ka ilaaliya dhaawaca. Waxaa kaloo shaaha cagaaran ku jirta maadada caffeine taas oo la arkay in ay hagaajiso socodka xawada.

Rummaanka:
Rummaanka waxa uu ragga ka caawiyaa awood siinta. Waxaa ka buuxa maadooyinka sunsaarista kuwaas oo unugyada shahwada ka ilaaliya dhaawaca. Sida oo kale, waxa uu kordhiyaa tirada xawada iyo socodkeeda.

Geedka Ginseng:
Ginseng waa dhir muddo qarniyo ah loo adeegsan jiray in lagu kobciyo taranka ragga. Waxa la arkay inuu hagaajiyo tirada xawada iyo socodkeeda.