Dowladda Turkiga oo dhiggeeda Finland u ogolaatay in ay ku biirto NATO.

0
111

Dowladda Turkiga oo dhiggeeda Finland u ogolaatay in ay ku biirto NATO.

Baarlamaanka Turkiga ayaa u codeeyay in hindise-sharciyeed ogolanaaya in Finland loo fasaxay ku biirista Isbaheysiga NATO maadaama dalkaas uu u xayirnaa codka turkiga oo qasab ku ah sida ku xusan axdiga isbaheysigaas oo ah in guud ahaan xubnaha uu ogolaado waddanka cusub ee ku biiraya.

Turkiga & Finland waxa ay wada galeen heshiis maslaxo u ah labada Dal waana tan keentay in Ankara ay dhiggeeda Helsinki u ogolaato ku biirista NATO oo muddo ay daneyneysay in ay ku biirto Isbaheysigaas.

Madaxweynaha Turkiga Receb Tayyip Erdogan ayaa dhowaan sheegay in dalkiisa uu ogolaanayo ku biirista NATO ee dalka Finland balse ay ku adkeynayaan Sweden oo raacday dhabbe aanay u wanaagsaneen diblumaasiyadda.

Sababta Sweden uu Turkiga uga reebay ku biirista NATO waa dibadbaxyadii uu dalkaas ka dhacay ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, suurad xumeynta Madaxweyne Erdogan iyo martigelinta Dadka Ankara ay raadineyso in ay ciqaabto.

Finland waa ay ka weecatay dhabbahaas inkasta iyada qudheeda uu Turkiga ku eedeeyay in ay martigelisay dad uu ugu yeeray ‘Argagixiso’ Dalkiisa dambiyo ka galay balse Helsinki uma afdheera sida Sweden oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here