Howlgal lagu raadinayo Dad la socday doon ku degtay Koofurta Talyaaniga oo ka socda Dalkaas.

0
158

Howlgal lagu raadinayo Dad la socday doon ku degtay Koofurta Talyaaniga oo ka socda Dalkaas.

Saraakiil katirsan Ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in uu socdo howlgal lagu raadinayo Dad raq & ruux toona lagu waayay oo la socday doon ku degtay Badda Koofurta Dalkaas.

Doonta waxaa saarnaa ugu yaraan Dad lagu qiyaasay 150 qof oo ujeedka safarkooda halista watay ah in ay tagaan waddanka Talyaaniga si ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Qaaradda Yurub dhaca.

Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa musiibo ku tilmaamay dadka intaas la eg in lagu qaado doon iyada oo baddu kacsan tahay, waxa uu ku sifeeyay in halis weyn la geliyay noloshooda.

Ugu yaraan 59 ruux oo kamid ah Dadka la socday doonta ayaa dhintay, waxaa kamid ah 12 carruur kaddib markii ay ku qarqameen badda maadaama ay waayeen gargaar degdeg ah waqtiii doonta la degtay.

Dowladda Talyaaniga ayaa Febaayo 2023 sheegtay in Waddamada Masar iyo Liibiya ay kala hadashay xal u helista qulqulka tahriibayaasha ka baxa Waqooyiga Qaaradda Afrika kuwaas oo ku wajahan Xeebaha Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here