Mareykanka oo sheegay in ay kordheen muwaadiniinta Ruushka ee kasoo gudbaya xadka uu la wadaago Mexico.

0
137

Mareykanka oo sheegay in ay kordheen muwaadiniinta Ruushka ee kasoo gudbaya xadka uu la wadaago Mexico.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii kordheen Muwaadiniinta u dhashay Dalka Ruushka ee tahriibka ku galaya Dalkiisa kuwaas oo kasoo gudbaya soohdinta Mexico & Mareykanka ay wadaagaan.

Mareykanka ayaa sheegay in sababta dadkaan ay u kordheen ay tahay in ay diidan yihiin duullaanka Ruushka uu ku qaaday waddanka ay xuduud wadaagga yihiin ee Ukraine 24kii Febaraayo 2022.

Dadkaan ayaa diidan tallaabadaas militari ee Dowladdooda ka qaadday Ukraine, taasi waxa ay dhalisay in ay isaga tagaan Dalkooda iyaga oo door-bidaya in ay isu dhiibaan Dowladda Mareykanka si ay uga gabbaadsadaan halista ay ka cabsanayaan.

Qaar kamid ah Muwaadiniinta Ruushka ee Mareykanka iska dhiibay ayaa sheegay in ay ka faaiideysanayaan is baddelka Dalkaas ka jira maadaama Madaxweyne Joe Biden ay u arkaan in maamulkiisa uu soo dhoweynayo.

Mareykanka ayaa dagaal siyaasadeed oo dhinacyo kala duwan kala hortagaya Ruushka kaddib markii Xukuumadda Moscow ay ku dhaqaaqday dagaal muddo ay ku gaca-jugleyneysay oo ah in ay weerareyso Ukraine balse ugu dambeyn ku duushay 24-kii Febaraayo 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here