Maxaa looga hadlayaa meertada 36aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika?

0
164

Maxaa looga hadlayaa meertada 36aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika?

Magaalada Addis Ababa Caasimadda Itoobiya oo dhanka kale ah xarunt Ururka Midowga Afrika waxaa gaaray mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socota waddamada xubnaha ka ah ururkaas si ay uga shiraan qodobo dhowr ah.

Ugu horreyn waxaa qabsoomaya Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Afrika oo ay isaga xog-wareysanayaan xaaladda qaaradda, qorshe sanadeedka iyo xoojinta iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah ururkaas.

Kulankaas kaddib waxaa furmaya Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika oo marka uu soo idlaado laga soosaari doonno warmurtiyeedka muujinta waxyaabaha ay isku fahmeen Madaxda ka qaybgashay shirkaas.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa si uu uga qaybgalo Meertada 36aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika waxaana lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo.

Meertada 36aad ee Shirweynaha Midowga Afrika waxa uu soconayaa 18ka illaa 19ka Febaraayo 2023 sida ay xaqiijiyeen madaxda sare ee shir guddoonka Uururkaas oo Warbaahinta faah-faahin hordhac ah la wadaagtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here