Qoysaska aan ka barakicin Laascaanood oo welwel ka qaba duqeynta ku socota Magaaladaas.

0
206

Qoysaska aan ka barakicin Laascaanood oo welwel ka qaba duqeynta ku socota Magaaladaas.

Qaar kamid ah Qoysaska ku haray Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in welwel xooggan uu lasoo dersay kaddib markii ay korortay duqeynta Ciidamada Somaliland ay ku beegsanayaan xaafadaha Magaaladaas.

Qoysaskaan ayaa sheegay in ay awoodi waayeen in Magaalada Laascaanood isaga barakacaan maadaama ay tilmaameen in aanay jirin cid uga horreysa deegaannada kale ee Gobolka Sool oo ay u barakaceen qoysaskii isaga baxay xarunta Gobolka Sool.

Dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayay sheegeen qoysaskaan in ay lasoo deristay kaddib markii la raray dukaamadii ku yaallay Xaafadaha Laascaanood, halka duqeynta ay noqotay mid is daba-joog ah waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay dalbadeen in xal loo helo duqeynta magaalada ku dhaceysa oo sababtay in guryo badan gubtaan, qaarkood burburaan halka dhismaha qaar ay gabbaadsanayaan Dadka ku haray Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

“Guryaheena ayaan ku jirnaa, cunno la’aan ayaa jirto, waxaana la xiray goobihii ganacsiga, shaqo ma jirto oo waxaa intaas inoo dheer duqeynta xooggan ee ku dhaceysa xaafadaha Magaalada Laascaanood, waxa aan alle weydiisaneynaa in uu xal nabadeed inoo keeno” ayay tiri Haweeney kamid ah Dadka ku haray Laascaanood.

Duqeyntii ugu dambeysay ee maanta ku dhacday mid kamid ah xaafadaha Laascaanood ayaa sababtay geerida inta la xaqiijiyay qof kamid ah Dhalinyarada Magaaladaas oo magaciisa lagu sheegay Mustafe Xuseen Bullaale, waxaana dhaawacmay Dad kale oo goobta la joogay.

Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa galay maalintii 12aad, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hanti, waxaana barbar socda duqeyn ku dhaceysa xaafadaha Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here