9 Astaamood Oo Lagu Ogaado Haddii Uu Jacayl Dhab Ah Ku Haayo

0
348

9 Astaamood Oo Lagu Ogaado Haddii Uu Jacayl Dhab Ah Ku Haayo

Aad uma adka in aad ogaato in uu jacayl ku haayo iyo in kale.

Dadku marka ay wax jeclaadaan isku dareen ma aha. Dadka qaar oo uu jacaylku hayo, si wanaagsan ayay uga war qabaan dareenkooda, qaar kalana ma hubaan waxa hayo in uu jacayl dhab ah yahay iyo in kaliya ka helid uun ay tahay.

Nasiibwanaag, jirkaagu wuxuu lee yahay farsamooyin qarsoon oo uu ku kashifi karo in dareenka aad lammaanahaaga u hayso uu yahay mid ku meelgaar ah iyo in kale. Astaamahaan si fiican isha ugu haay marka xiga oo aad ku wareerto in uu jacayl dhab ah ku hayo iyo in kale.

Dhaygag
Haddii lammaanahaagu uu hadda ka hor ku baraarugay adiga oo si kalgacal leh ugu dhaygagaya, waxay calaamad u noqon kartaa in uu jacayl ku madaxmaray. Indho iskala hadliddu waxay ka dhigan tahay ka fikiridda wax aan la iska deyn karin. Haddii mar walba aad lammaanahaaga indhaha ku hayso, waxay u badan tahay in uu jacayl ku hayo.

Cilmibaarisyo ayaa sidoo kale tilmaamay in lammaanayaasha aan indhaha kala qaadi karin ay dareemaan dabar jacayl oo aad u xoog badan marka loo eego kuwa aan indhaha indhaha isugu qabanin. Saamayntani xataa dad aan is aqoonin waa ku run oo tijaabo la sameeyay waxaa lagu ogaaday in dad aan is aqoonin ay dareen jacayl isu qaadeen markii ay daqiiqado is daawanayeen.

Waxaad dareemaysaa sidii in aad sarkhaansan tahay
Waa caadi in aad xoogaa waalli ah dareento marka aad qof jeclaato.

Daraasad uu sameeyay Machadka Kinsey ayaa waxaa lagu ogaaday in maskaxda qofka uu jacayl hayo ay u eg tahay maskaxda qof kokayn (daroogada cocaine) isticmaalay. Dareenka noocaas ahna waxaa u sabab ah hormoonka dopamine oo labada xaaladoodba uu jirku soo daayo.

Arrintani waxay sharraxaad fiican ka bixinaysaa sababta ay dadka xiriirrada ku cusub ugu dhaqmaan si macnadarro iyo dabbaalnimo ah.

Mar walba waad ka fikirtaa
Haddii aad qof jeceshahay, waxaad dareemeysaa in aadan maskaxdaada ka saari karin. Sababtoo ah maskaxdaada ayaa waxay soo deyneysaa phenylethylamine oo loo yaqaan “daroogada jacaylka” marka aad qof jeclaato. Hormoonkaan wuxuu ku geyeysiinayaa in aad si daran u jamato lamaanahaaga.

Waxaa laga yaabaa dareenka noocaan ah in aad garanayso waayo phenylethylamine wuxuu ku jiraa shukulaatada, waana arrin kale oo fasiri karta sababta aadan u joojin karin cuniddeeda marka aad hal cad cunto ka dib.

Waxaad la rabtaa farxad
Jacaylku waa shuraako laba geesood ah, balse waxaad ogaan doontaa in qofka aad jeceshahay farxaddiisu ay muhiim kuu tahay.

Waxa loo yaqaan kalgacal (compassionate love) wuxuu noqon karaa mid ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee xiriir caafimaad qaba, sida ay cilmibaaris qabto. Tani waxay ka dhigan tahay in aad u heellan tahay in aad wax walba samayso si lammaanahaaga aad u farxadgeliso.

Haddii aad ka warhesho in aadan dadaal la haraynin si lammaanahaagu aysan/ uusan u qoyin marka uu roob da’ayo, ama aad quraac ugu tuureyso xilli ay/uu aad u mashquulsan tahay/yahay, waa calaamad tilmaamaysa in uu jacayl si daran kuu hayo.

Walaac
Inkasta oo jacaylka lala xiriiriyo farxad, haddana wuxuu sababi karaa walaac weyn. Marka uu jacayl ku hayo, maskaxdaadu waxay soo deyneysaa hormoonka walaaca ee cortisol, kaas oo asna sababi kara in aad murugto.

Haddii aad dareento in sida caadiga ah aad ka yara xanaaq badatay ama aad isku aragto dareen caaddifadeed oo xoog leh, waxay u badan tahay in aadan u baahnayn farsamo aad walaaca isaga yareyso ee uu jacayl uun kugu dhacay.

Xanuun badan ma dareemeysid
Waa laga yaabaa qof marka aad jeclaato in ay xanuun badan tahay, balse haddii aad dareento in jacaylku uusan sidii hore kuu xanuujineynin, waxay calaamad u noqon kartaa in uu jacayl ku hayo.

Daraasad Jaamacadda Stanford qeybteeda caafimaadka ay samaysay ayaa dadkii daraasadda ka qeybgalay waxaa loo sheegay in ay ku dhaygagaan sawir qof ay jecel yihiin. Waxaa la ogaaday in arrintaasi ay xanuunka dhexdhexaadka ah dadka ka yareysay 40%, xanuunka aadka u daran na ilaa 15%.

Haddaba, haddii aad damacsan tahay in aad jirkaaga shabbad ku samayso (taas oo xanuun sababaysa) waxaa kuu roon in aad sii diyaarsato sawirka qofka aad jeceshahay. Lacalla waa intaas oo aad u baahataa.

Waxaad isku dayaysaa tijaabinta wax cusub
Qof walba ayaa raba in qofka kale uu ka yaabsado maalmaha hore ee uu xiriirku billow yahay, laakiin haddii aad dhaaddo in aad ku dhiirranayso

sameynta waxyaalo cusub oo uu lammaanahaagu ku raaxeysanayo, waxay u badan tahay in shinnida jacaylku ay ku qaniintay.

Daraasad ayaa tilmaantay in dadka ku andacooday in uu jacayl hayo ay dabeecadahoodii iyo waxyaabihhii ay xiiseyn jireen isbaddeleen xiriirradaas ka dib. Haddaba iyada oo laga yaabo in aadan ka helin xisada qoob-ka-ciyaarka oo aad lammaanahaaga u raacdo, waxaa laga yaabaa in taasi ay saameyn togan ku yeelan karto qofnimadaada.

Garaaca wadnahiinna ayaa isla jaanqaadaya
Waxaa laga yaabaa in aad hiyikac dareento marka aad ka fikirto qofka aad jeceshahay, balse cilmibaaris ayaa tilmaantay in sidoo kale garaacyadiinna wadnuhu ay isla jaanqaadaan. Daraasad ay samaysay Jaamacadda Kalifoorniya ayaa lagu ogaaday in lammaanayaashu marka ay isjeclaadaan uu garaaca wadnayaashoodu jaanta isla helo.

Inkasta oo laga yaabo in aadan taasi sheegi karin in ay dhacday adiga oo aanan stethoscope haysan, haddana u dhowaanshaha iyo dareenka qotoda dheer oo aad lammaanahaaga u hayso wuxuu astaan wanaagsan u yahay in uu jacayl dhab ah ku hayo.

Adiga iyo ash’ash waad isdeyseen
Haddii aad caan ku tahay in aad ka cabsato jeermisyada oo ay caadina kula tahay in aad lammaanahaaga dhunkato xataa ka dib iyada/isaga oo sankeeda/sankiisa qolof ka bixisay/bixiyay, waxay u badan tahay in uu jacayl kugu dhacay. Run ahaantii, cilmibaaris ay sameysay Jaamacadda Groningen, Holland, ayaa waxay daaha ka rogtay in dareenka galmadu uu ka saayidcalayn karo dareenka yaqyaqsiga.

Haddaba, taasi waxay la macno tahay, haddii aad si aad ah u jeceshahay lammaanahaaga, waxaad u oggolaanaysaa in rooti uu qeyb afkiisa ku goostay uu mar kale maraqa ku kudo. Waxaasi waa jacayl, saaxib.

Akhriso: Sidee loo Ogaadaa Qofka Ku Jecel?

Maqaalkaan asalkiisa hore oo Ingiriis ah waxaa lagu baahiyay The Independent, waxaa af Soomaali u tarjumay Shakir Mohamed Abdullahi

Booqo: shamaca.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here