Shiinaha oo 3 sano kaddib joojiyay xeerka karaantiilka Dadka booqanaya Dalkiisa.

0
227

Shiinaha oo 3 sano kaddib joojiyay xeerka karaantiilka Dadka booqanaya Dalkiisa.

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa qaadday saddex sano kaddib xeerka karaantiilka Dadka booqanaya Dalkaas ee dhaqaalaha badan gelin jiray in ay ugu dalxiisaan dhul weynaha Jamhuuriyaddaas.

Inta uu xeerkaan jiray waxa kale uu saameyn taban ku reebay isu socodka Dadka qurbaha ku maqan ee rabay in ay dib ula midoobaan ehelkooda maadaama Xukuumadda Beijing ay soo rogtay amar saameeyay.

Garoomada Diyaaradaha ee duullimaadyada Shiinaha u socda waxaa lagu arkayay Dad badan oo horay usii diyaarsaday Dal ku galka Jamhuuriyaddaas si ay dib ula midoobaan ehelkooda oo ay kala xayirnaayeen saddexdii sano u dambeysay.

Qaar kamid ah Dadkii ka faaiideystay fursadda dib ugu laabashada fudud ee Shiinaha ayaa sheegay in xayiraadda ka dhalatay Covid-19 ay saameyn taban ku reebtay Dadka oo si xor ah u kala gudbi jiray.

Shiinaha oo ah dalka uu kasoo ifbaxay Covid-19 ayaa kamid noqday waddamadii ugu dambeeyay ee qaaday xayiraadda culus ee loo arko in looga hortagi karo cudurrada faafa sida Coronavirus oo dunida aafo ku noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here